Sidee laba walaalo ah iyo gabar ay shukaansadaan u qorsheeyeen dilka wasiirkii cadaaladda K/G? + Video

Baydhaba (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya ayaa xukuno adag ku riday walaalo ku eedeysan inay fuliyeen qaraxii lagu dilay wasiirkii cadaaladda maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur iyo wiilkiisii Cabdirisaaq Xasan.

Qaraxii lagu dilay wasiir waxaa la sheegay inuu qorsheeyey maqane Maxamed Meeris Ibraahim oo ka mid ahaa maxaabiistii ka baxsatay Xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso markii ay Al-Shabaab weerareen sanadkii 2021-kii.

Ibraahim Meeris Ibraahim oo walaalkiis ahaa ayaa fuliyey qaraxaas ay u qorsheeyeen wasiirkii cadaaladda Koonfur Galbeed Sheekh Xasan Lugbuur oo qaraabo dhow ay ahaayeen, marar badana ka damiintay hey’adaha ammaanka oo ku tuhmay Shabaabnimo.

Ibraahim ayaa maxkamadda ka hor qirtay in dilka Adeerkiis Wasiirkii cadaaladda Koonfur Galbeed Sheekh Xasan Lugbuur, isagoo sheegay inuu ku bedeshay 200 oo dollar oo walaalkiis Maxamed oo qaraxa soo qorsheeyey uu u balan qaaday.

Gabar la yiraahdo Falastiin Aadan Shuceyb, oo Ibraahim shukaansan jiray, ayaa qeyb ka ah kiiskaan, taas oo wiil aysan garaneyn uu u soo dhiibay qaraxa, inta aan lagu aasin xili habeen ah banaanka hore ee masaajidka lagu hor dilay wasiir Xasan, halkaas oo la sii ogaa inuu ku soo tuka doono salaadii Jimcaha.

Wasiirka waxaa la geeriyooday wiil uu dhalay, waxaana ku dhaawacmay qaraxaas dad ay ku jireen laba wiil oo kale oo Wasiir Xasan uu dhalay, waxayna maxkamaddu soo gabagabeysay dhageysiga dacwadii loo heystay eedeysanayaasha.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute oo kiiskaan u tegay Baydhaba ayaa ku dhawaaqay go’aanka maxkamadda, waxaana Ibraahim Meeris oo qaraxa fuliyey iyo Maxamed Maaris oo qaraxa soo qorsheeyey, isla markaana maqan lagu xukumay dil toogasho ah, halka Falastiin oo qaraxa soo qaaday 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay.

Hoos ka daawo