Sidee lagu helay saxiixyada xildhibaanada sheegay in laga been abuurtay (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay in looga been abuurtay magacyadooda iyo saxiixooda inay qeyb ka ahaayeen mooshinkii laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya.

Arintaasi ayaa sababtay in xoghayaha Guud baarlamaanka uu soo saaro warqad uu ku cadeynayo inuu buray mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha, kadib markii 14 xildhibaan laga jaray tirada xildhibaanada mooshinka horey u gudbisay.

Xildhibaanada gudbiyay mooshinka ayaa dhankooda arintaasi ka jawaabay, waxayna sheegeen in aysan jirin xildhibaano laga been abuurtay, xildhibaan walbaana uu ka laaban karo mooshinka balse aan laga aqbaleyn inuu isaga been kale sheego.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in xildhibaanada sheegay in laga been abuurtay ay horey u saxiixeen mooshin ka horeeyay midka hadda laga keenay madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana la hayay saxiixyadooda.

Mooshinkaasi ayaa ahaa mid la diyaariyay sanad ka hor, xiligaasi oo aheyd markii la weerarayay gurriga Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur, laakiin aanan sii socon, waxaana xiligaasi la helay saxiixyada qaar kamid ah xildhibaanada hadda shaaciyay in laga been abuurtay.

Warqadaha xiligaasi mooshinka lagu saxiixay ayaa waxaa hayay shaqsiyaad kamid ah xildhibaanada hadda horboodaya mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, sida xogaha aan ku heleyno.

Laakiin xildhibaanada mooshinka hadda wada ayaa sheegaya inaysan jirin cid lagu qasbay saxiixa mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, islamarkana saxiixyada aysan aheyn kuwii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com