Sidee loo xusay maalinta aas aaska BOOLISKA + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay munaasabad ballaaran oo lagu xusay sannad guurada 81-aad ee kasoo wareegtay maalinta aas aaska ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaana ka qayb-galay mas’uuliyiin kala duwan oo ugu horreeyo madaxweynaha dowladda federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo khudbad ka keediyay munaasabadda ayaa hamblyo u diray Sarreeyaasha, Saraakiisha sare, Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Kormeerayaasha, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa dul istaagay dadaallada Dowladda ee dib u dhiska iyo horumarinta laamaha ammaanka, dib u xoreynta iyo Dimuquraadiyeynta dalka, isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda ku aaddan hirgalinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee dalka ka qabsoomaya.

“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ku ammaanan shaqooyinka muhiimka ah ee ay dalka u hayaan, waxaa hortaala mas’uuliyad cusub oo ku aaddan sugidda amniga goobaha doorashooyinka. Ma jirto waddo aan ahayn doorasho toos ah oo innoo furan, waana in qof walba oo Soomaali ah u diyaar garoobo” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale oo uu kula dardaarmay Saraakiisha Ciidamada in ay si waafaqsan Shuruucda dalka u gutaan waajibaadka, isaga oo tilmaamay in hubka iyo agabka ay wataan uusan wax baddali karin, haddii aan la helin Saraakiil iyo Askar waddaniyiin ah oo ay ka go’antahay daacad ugu adeegidda dadkooda iyo dalkooda.

Munaasabaddan waxaa ka qayb-galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, Taliye ku xigeenada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyeyaashii hore, Danjireyaal iyo marti sharaf kale.