Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inay aheyd in dalkiisu uu mar hore duullaan ballaaran ku qaado Ukraine, iyadoo si wanaagsan loogu diyaar garoobayo dagaalkaasi.
Putin ayaa sidan ka sheegay shirkiisi jaraa’id ee sanadlaha ahaa, oo uu ku sheegay inay ahayd in diyaarin nidaamsan loo sameeyo duulaanka 2022-kii, kaas oo uu ku tilmaamay howl-gal militari oo gaar ah.
Putin ayaa intii uu socday shirka jaraa’id kasoo muuqday shaashad weyn oo buluug ah oo muujinaysa khariidadda federaalka Ruushka, oo ay ku jiraan qaybo kamid ah Ukraine-ta uu dagaalka kala dhaxeeyo.
Shirka jaraa’id ee Putin oo u muuqday mid si adag loo xakameeyay, haddana intii lagu guda jiray waxaa su’aalo weydiiyey saxafiyiinta qaara, kuwaas oo ku aadana inta badan dagaalka Ukraine.
Putin ayaa mar la weydiiyay inuu dareemayo in waddanku ku jiro xaalad ka wanaagsan tii markii uu ka tagay hoggaamiyihii isaga ka horreeyay ee Boris Yeltsin 25 sano ka hor, Putin waxa uu sheegay in Ruushku uu dib u helay wuxuu ugu yeeray “madax-bannaani.”
“Wax walba oo ku dhacayay Ruushka xilli hore, waxaan u soconay inaan lumino madax-banaanideena,” ayuu Putin sii raaciyay hadalkiisa, isagoo u jawaabaya Steve Rosenberg, oo ah tafatiraha BBC-da ee Ruushka.
Si kastaba, Ruushka ayaa Crimea ka qabsaday Ukraine sanadkii 2014-kii, waxaana ciidamada taageersan Ruushka ay dagaal ka bilaabeen bariga Ukraine, balse sideed sano kadib Putin ayaa isku dayay inuu qabsado caasimadda Ukraine ee Kyiv.