Jigjiga (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar ay maleeshiyaad hubeysan ka gaysteen degaanka Dacawaley oo ka tirsan gobolka Faafan ee dowlad deegaanka, halkaasi oo lagu dilay ciidamo ka tirsan kuwa is-maamulka.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan lagu dilay ugu yaraan illaa 5 askari oo ka tirsan booliska dowlad deegaanka, kadib markii ay weerar gaadmo kala kulmeen dabley hubeysan oo beegsatay xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Dacawaley oo ay ka jirto xiisad xooggan.
Weerarkan ayaa daba socday dagaal shalay ka dhacay deegaanka oo dhex-maray ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida iyo maleeshiyaad kasoo jeeda deegaanka, kaas oo saameyn xoogan dhaliyay, kadib markii ay isku dhaceen labada dhinac.
Xukuumadda is-maamulka Soomaalida Itoobiya oo ka hadashay dagaalka ayaa sheegtay in uu u dhaxeeyay ciidamadooda iyo dablayda hubaysan uuna yimid, kaddib markii ragga hubeysan ay weerareen qaar kamid ah Masuuliyiinta degaanka iyo xubno Boolis ah.
Ciidamada la weeraray ayaa tilmaamtay in xilligaasi ay deegaanka u joogeen xallinta hilaafaad halkaas ka jiray, kadibna ay la kulmeen weerara uga yimid dableysa hubeysan.
Sidoo kale xukuumadda ayaa sheegtay in haatan ay waddo dedaallo dheeraad ah oo looga hortagayo xiisaddaasi, waxayna baaq nabadeed u dirtay shacabka degaannada ay colaaddu ka dhacday, iyada oo ka dalbatay in nabadda iyo xasilloonida ay ka shaqeeyaan.
Dhacdadan waxaa ka horreeyay dil kale oo todobaadkii hore agagaarka deegaanka Dacawaley loogu gaystay madaxii amniga ee degmada Yoocaale iyo labo qof oo la socotay, waxaana ka dambeeyay dilkooda dabley hubeysan oo aan la garan, kadibna baxsatay.