Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay go’aankii kasoo baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka oo ku aadan xaaladda cakiran ee dalka, iyaga oo dalbaday in la gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, isla markaan si deg-deg ah loo qabto doorashada maamul-goboleedyada dalka.
Madasha ayaa caddeysay in aysan aqbali doonin muddo xileed dhaafsiisan doorashada Madaxweynaha Soomaaliya waqtiga loo asteeyay ee 15-ka May 2026.
“Si hubanti la’aan siyaasadeed looga badbaadiyo dalka, in waqtiga yar ee ka harsan muddo xileedka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha laga heshiiyo doorasho la hirgelin karo, loona dhanyahay, ka fiicantii tii 2022, heshiisna lagu yahay,” ayaa lagu yiri bayaan mucaaradka kasoo saaray shir labadii maalmood ee u dambeeyay ku yeelatay Muqdisho.
Sidoo kale waxaa go’aankan taageeray maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntlnad oo iyagana warsaxaafadeedyo soo saaray, waxayna xoojiyeen baaqa mucaaradka ee ku aadan in la’isugu yimaado shir wadatashi ah oo ay sheegeen in lagu badbaadinayo dalka.
Haddaba sidee looga fal-celiyay go’aanka ay gaareen mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland?
Cabdullahi Shire: “Kuwaan ma arkaysaan oo isku sheego inay yihiin mucaarad dowladda hadda joogto haddii ay meesha ka baxdo oo timaado dowlad kale, haddane berito waxay ku leeyihiin waxaynu nahay mucaarad badbaado qaran”.
Sheekh Axmed Bishaar: “Siyaasiyiinta baaga muudada ah ee ku midoobay “Madasha Dib-u dhaca Soomaaliyeed” wax kasta waan diidnay ayuu arrinkoodu dhaafi la’yahay”.
Sayd Cali Madaqey: “Waali cad ayaa timid iyo in wax la isku soo yeeriyo si magaalka qalqal looga abuuro”.
Saciid Mukhtaar: “Jubaland iyo Puntland iyaga ayaa caqabad ku ah dowlad dhiska Soomaliyeed”.
Maxamed Cabdullahi: “Jubaland iyadaa 15 sano mideysneyn khilaaf joogto ahiyo dagaallo soo noq noqday ayaa ka jiro midaas xal haloo helo “.
Shaafici Yuusuf: “100%, Puntland waa ku saxan tahay in loo midoobo inuusan dalku kala tagin, dastuurka lagu socda iyo garab istaaga samata bixinta Qaranka Soomaaliyee

