Sidee looga fal-celiyay kulanka Xasan iyo Farmaajo ee Qatar?

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Doha ee dalka Qatar Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo iyo Xasan Sheekh ayaa ka wada-hadlay xaaladda dalka iyo duruufaha ku xeeran oo ay ugu weyn tahay xiisadda Itoobiya, ayada oo madaxweyne Xasan uu dul istaagay guulaha wax-ku-oolka ah ee dowladdu ay ka xaqiijisay dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee dalka ka socda.

Sidoo kale wuxuu ammaanay sida shacabka, masuuliyiinta iyo madaxda Soomaaliyeed kuwii hore iyo haddaba ay ugu midoobeen difaaca madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba.

Kulanka Xasan iyo Farmaajo ayaa yimid saacado un kadib markii Farmaajo uu walaac xooggan ka muujiyay qorshaha wax ka beddelka Dastuurka, oo uu sheegay in xilligaan lagu jiro difaaca dalka ay dib usoo celintiisu abuureyso qalalaase siyaasadeed oo wax u dhimi kara midnimada umadda Soomaaliyeed ee ay ku wajahayaan cadowga dibadda.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay kulankaan?

Maxamed Daahir Cali: “2 madaxweyne wey mahadsan yihiin maanta Soomaaliya mucaarad iyo muxaafid waddanka difaac buu nooga baahan yahay Soomaaliya oo guulaysatay waa anagoo wada guulaysanay dowladnimada ha waarto.”

“Xasan Sheekh waa siyaasi dhameystiran runtii hadiiba uu la kulmay madaxweyne Farmaajo oo laba saac ka hor qoraal uu ku mucaaradayo Xasan Sheekh soo qoray,” ayuu yiri Maxamed Deeq.

Waxa uu intaas kusii daray “Farmaajoow dersi kugu filan waa heysataa, wax ka baro dhaqanka wanaagsan ee madaxweyne Xasan Sheekh ee aan ku dhisneyn coleytanka iyo qol isku soo xiridda. siyaasadda furan waa ilbaxnimo.”

Cambe Boodhe: “Wad-tashiganu wuxuu ku tusayaa siday dawladnimada Soomaaliyeed mar labaad u taabo qaaday xilkuna yahay mid meerto ah. Farmaajo iyo Xasanba mahadsanidiin shaqo wacan.”

“Villa Somalia haddii laga baxo waa la duqoobayaa runtii, war meeshu cajiibsanaa!,” ayuu yiri Maxamed Toosane.

Cabdisalaan Saleeban ayaa isna waxa uu yiri “Qaranka wadajir ayaa lagu difaaci kara waxyaabaha kale e lagu kala aragti duwan yahay meel ha layska dhigo insha Allah.”

Ibrahim Haji Hassan: “Marka ay ixtiraam iyo qadarin isku muujiyaan madaxdeena, aad baan ugu farxaa, guuleysta mudanayaaal!!.”

Muuse Ismaaciil ayuu sidoo kale yiri “Madaxdu waa inay ka midoobaan damaca guracan ee cadowga Soomaaliyeed kala qaybinaya waana u muuqdan inay ka midaysan yihiin guulaysta mudanayaal.”