Dad khatar ku ahaa amniga ciyaaraha oo la qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in intii ay socotay cayaartii galabta dhexmartay Hirshabeelle iyo Jubbaland la qabtay, lana xiray tiro dad ah oo amniga iyo badqabka agabka garoonka wax u dhimay.

Booliska ayaa shaaciyey in dadka la xiray dhawaana maxkamad la horkeeni doono, si looga jaaseeyo qalalaasihii ay ka sameeyeen garoonka.

Taliska ayaa faray taageerayaasha ciyaarta berri dhex-mari doonta xulalka Galmudug iyo Banaadir in ay u hoggaansamaan, una dhaga-nuglaadaan qorshaha lagu sugayo amniga, gaar ahaan hab-raacyada gelidda iyo ka soo bixidda garoonka.

Booliska ayaa faray ciidamada aan ka mid aheyn kuwa amniga sugaya in garoonka aysan la imaan hub, isla markaana aysan la kala safan taageeraayaasha, iyadoo askarigii lagu helo uu wajihi doono maxkamadda, sida lagu cadeeyey warkaan ka soo baxay Taliska Booliska Soomaaliya.

Muqdisho galabta waxaa ka dhacday ciyaar adag oo u dhaxeysay xulalkii kala metelayey Jubbaland iyo HirShabeelle, waxaana finalka u soo baxay ciyaartoyda HirShabeelle.

Berri waxaa dhacaya mid ka mid ah kulamadii ugu adkaa, Banaadir iyo Galmudug oo ah xulalka ugu taageerayaasha badan ayaa dheelaya, waxaana tartanka ka hari doona dhinicii laga badiyo berri.

HirShabeelle oo galabta filanka u gudubtay, tartankana ka reebtay Jubbaland, ayuu waji doonaa xulkii ku guuleysta ciyaarta berri dhexmari doonta Galmudug iyo Banaadir, waxaa la saadaalinayaa in berri ay taageerayaasha labada dhinac buux dhaafi doonaan garoonka Stadium Muqdisho.

Digniinta booliska iyo dadka la sheegay in la qabtay inay sameynaya qalqal gelin amni ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Koonfur Galbeed ay isaga hartay tartanka, kadib markii jidka kagu weeraray ciyaartoydii u dheeleysay markii ay ka soo baxeen garoonka, weliba iyadoo laga badiyey galabkaas, waxayna carada K/Galbeed gaartay inay go’aan ka qaataan in gabi ahaanba aysan ku dheelin Muqdisho, maadaama lagu weeraray sanadkii labaad.