Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xooggan ayaa ka dhalatay tallaabadii uu xalay qaaday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ku dhawaaqay go’aan farxad-geliyay ardaydii dugsiyada sare sanad dugsiyeedkii 2015/2016.
Xamza ayaa shaaciyay in la cafiyay dhammaan ardaydii Soomaaliyeed ee xilligaas aan galin Imtixaanka Fasalka 12-aad, wuxuuna amray in loo beddalo shahaadooyinka, isla markaana ay tegi karaan Xarunta Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dalka.
Xukuumadda ayaa sheegtay in ardaydan oo gaaraya illaa 28 kun loo aqoonsaday daruufihii keenay in ay geli waayeen imtixaanka, maadaama ay jireen xaalado maangal ah oo amni.
“Ardaydan oo tiradoodu tahay 28 kun oo arday ayaa imtixaanka uga baaqday duruufo loo aqoonsaday maangal, sidaas darteed, ayaa waxa ay soo jeedisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare in loo fasaxo in ardaydaas ay u oggolaato Washaaraddu in ay u beddesho shahaadada fasalka 12aad ee dalladaha, kuwaas oo ay dhammaan xogtooda hayso Wasaaradda Waxbarashada” ayaa lagu yiri go’aanka soo baxay.
Tallaabadan ayaa si weyn loogu boggaadiyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, maadaama ay jireen arday badan oo shahaadada dugsiga sare ay ka maqneyd, maadaama aanay xilligaas gelin imtixaanka dowladda, sababo la xiriira xaaladihii ammaan ee markaasi jiray.
Haddaba sidee looga falceliyay tallaabada uu qaaday Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre?
Xuseen Cali Gacal: “War lagu farxo waayey dad badan baa u xayirnaa, Ilaahey mahaddii waayey”.
Hoodo Xayinimo: “Waa fursad farxad leh aniga haddii aan teamkaas kamid ahaan lahaa 98% baan heysan lahaa balse sidoo kale waqti fiican oo aysan jirin daruuf baan kusoo aaday, waana guuleysatay waliba tiro lagu farxo”.
Xasan Saxnuuni: “Waa arrin wanaagsan oo bogaadin mudan arday badan oo Soomaaliyeed ayaa ka walwalsanaa”.
Qadra Xabeeb: ” 2016/17 iyagana wax kama badalna ee qorshahooda keena, 28k qof waa ka badanahay sidaan filaayo”.
Ugaas Salaad Maxamed: “Waa arin bogaadin mudan RW Xamza allaha ku sharfo guuleyso, waxaan u rajeynayaa dhammaan ardaydaas Soomaaliyeed inay arinkaas ku farxi donaan”.
Nasteexo Xasan: “Abaal wayn buu na gashtay haddii aan nahay ardaydi 2015/2016. Thanks Ra’iisul wasaare”.

