Nairobi (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Somaliland ay heshay ictiraaf uga yimid Israa’iil, ayaa waxaa dad badan isweydiinayaan sida Mareykanku u arko arrintaas.
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka oo oo wax laga weydiiyay aragtida Washington ee ku aaddan Somaliland iyo xaaladda guud ee la xiriirta arrintan ayaa caddeysay in aysan jirin wax xog cusub ah oo ay hayaan oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa mar kale xusay in siyaasadda Mareykanku aysan wax isbeddel ah ku imaan, isla markaana ay weli ka go’an tahay taageeridda midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Dhanka kale, Mareykanku wuxuu xaqiijiyay inuu xiriir shaqo oo wanaagsan la leeyahay Somaliland iyo maamulada kale, gaar ahaan dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, sugidda amniga, iyo danaha dhaqaale.
Dabayaaqadii December 2025 ayey aheyd markii Israa’iil ay si lama filaan ah ugu dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland, tallaabadaas oo keentay walaac si ballaaran uga dhex abuurmay gobolka.
Xilligaas, Soomaaliya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in la isugu yeero kulan degdeg ah oo arrintaas looga hadlo, iyadoo Mareykanka uu markaas ku eedeeyay golaha wuxuu ugu yeeray “laba wajiilayn”.
Ku-xigeenka Ergayga Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Ambassador Tammy Bruce, ayaa golaha ka sheegtay in horraantii sannadkaas dalal badan, oo ay ku jireen xubno ka tirsan Golaha Ammaanka, ay si kali ahaaneed u aqoonsadeen dowlad Falastiin ah, balse aan la qaban wax kulan degdeg ah oo arrintaas looga doodayo.
Mareykanku wuxuu caddeeyay in Israa’iil ay xaq u leedahay xiriiradeeda diblomaasiyadeed iyo cidda ay la samaynayso, sida dowlad kasta oo madaxbannaan.
Mareykanka ayaa tan iyo 1948, xilligii uu noqday dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Israa’iil, ahaa saaxiibkeeda iyo xulafadeeda ugu weyn. Sannadihii u dambeeyayna, Israa’iil waxay noqotay dalka ugu badan ee hela gargaarka militari ee dibadda ee Mareykanku bixiyo.
Sidoo kale, taageerada diblomaasiyadeed ee xooggan ee Mareykanka, gaar ahaan tan uu ka bixiyo Qaramada Midoobay, ayaa qayb muhiim ah ka ah xiriirka labada dal, iyada oo madaxweynayaal Mareykan ah ay marar badan ku dadaaleen dhexdhexaadinta Israa’iil iyo dalalka Carabta ee deriska la ah.
Dhanka Somaliland, Mareykanku wuxuu sanadihii u dambeeyay si joogto ah u booqday deegaanada maamulka, waxaana sannadkii tegay dhowr jeer halkaas tegay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Taliyaha Hawlgalka Afrika ee Mareykanka (Africom), Gen. Dagvin Anderson.
Safarradaas waxaa ka mid ahaa booqasho uu bishii November 2025 ku tagay magaalada Berbera, xilli ay isa soo tarayeen wararka sheegaya in Mareykanku danaynayo dekedda Berbera.
Mas’uuliyiinta Mareykanka ee taageersan in dalkoodu xiriir gaar ah la yeesho Somaliland ayaa inta badan ku doodda in goobta juqraafiyeed ee Somaliland ay muhiim u tahay danaha Mareykanka ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Somaliland waxay ku taallaa meel u dhow marin-biyoodka Bab El Mandeb, oo ah marin muhiim ah oo ay maraan ku dhowaad saddex-meelood meel maraakiibta ganacsiga caalamka.

