Sidee Soomaaliya u dhistay isbaheysi ka adkaaday Itoobiya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa dardargelisay dadaalladeeda dibloomaasiyadeed ee gobolka bilihii ugu dambeeyay, iyadoo si gaar ah isbahaysi ula yeelanaysa dalalka Masar, Eritrea, iyo Jabuuti, si ay uga hortagto heshiiska dhanka badda ah ee dhex maray Itoobiya iyo Somaliland, heshiiskaas oo ay Muqdisho u aragto mid halis toos ah ku ah madax-bannaanideeda iyo siyaadadeeda, sida lagu xusay daraasad cusub oo ku saabsan siyaasadda gobolka oo ay daabacday hay’adda E-International Relations maalintii Axadda.

Warbixintan, oo uu diyaariyay Federico Donelli, professor cilmiga xiriirka caalamiga ah ee Jaamacadda Trieste, ayaa si qotodheer u lafo-guraysa sida Heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee sannadkii 2024 dhex maray Addis Ababa iyo Somaliland uu u sii huriyay xiisadaha ka aloosan guud ahaan Geeska Afrika.

Qodobada heshiiska waxaa ka mid ah in Itoobiya ay marin u hesho Badda Cas iyadoo adeegsanaysa dekedda Berbera, halkaasna ka dhisanaysa saldhig ciidan badeed. Taas beddelkeeda, waxay Itoobiya aqoonsanaysaa madax-bannaanida Somaliland – arrintaas oo ah natiijo ay Soomaaliya si buuxda u diiddan tahay.

“Soomaaliya waxay u aragtaa aqoonsi kasta oo sharciyeed oo la siiyo madax-bannaanida Somaliland inuu yahay khatar ku wajahan jiritaankeeda,” ayuu Donelli ku qoray daraasaddiisa. Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilowday olole dibloomaasiyadeed oo ballaaran oo ay kaga jawaabayso heshiiskaas, iyadoo taageero ka raadisay hay’adaha qaaradda sida Midowga Afrika, Urur-goboleedka IGAD, iyo Bulshada Bariga Afrika, isla markaana abuurtay iskaashi dhaw oo ay la leedahay Masar, Eritrea, iyo Jabuuti.

Mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu muhiimsanaa ee isbeddelkan xagga isbahaysiga ayaa yimid bishii Agoosto 2024, markaas oo Soomaaliya iyo Masar ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah. Heshiiskan wuxuu xoogga saarayay baaqii Soomaaliya ee ku aadanaa in la soo gebagebeeyo joogitaanka ciidamada nabad-ilaalinta Itoobiya ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUS-SOM). Wuxuu sidoo kale sii adkeeyay waxa uu Donelli ku tilmaamay “isbahaysiga ka soo horjeeda Itoobiya,” kaas oo salka ku haya cabashooyin gobolka ka jira oo is-biirsaday iyo loollan soo jireen ah.

Istaraatiijiyadda badeed ee Itoobiya, sida uu Donelli ku macneeyay, waxay qayb ka tahay qorshaheeda loo yaqaan “Istaraatiijiyadda Weyn ee Labada Biyood”— waana isbeddel siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu ballaariyo saamaynta dalkaasi uu ku leeyahay Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Maadaama in ka badan 95% badeecadaha ay soo dejiso iyo kuwa ay dhoofiso ay maraan dalka Jabuuti, Itoobiya waxay ku bixisaa qiyaastii $2 bilyan sannadkii kharashka adeegsiga dekadahaas.

Sida ku xusan qodobada heshiiska Is-afgaradka (MoU), waxaa la rajeynayaa in Itoobiya ay 12% ilaa 15% ganacsigeeda u weeciso dhinaca dekedda Berbera, oo ay maamusho shirkadda Imaaraadka Carabta ee DP World tan iyo 2015. Beddelkeeda, Somaliland waxay Itoobiya siisay heshiis kiro ah oo soconaya 50 sano, kaas oo u oggolaanaya inay saldhig ciidan badeed ka samaysato deegaanka Lughaya. Tallaabadan ayaa soo noolaynaysa hamigii Itoobiya ee ahaa inay mar kale yeelato awood badeed, kaddib tobanaan sano oo ay ahayd dal aan bad lahayn.

Warbixinta Donelli waxay sidoo kale iftiiminaysaa sida heshiiska Is-afgaradku (MoU) uu u sii qotodheereeyay khilaafaadka iyo kala qaybsanaanta gobolka. Dalka Jabuuti wuxuu u arkaa horumarinta dekedda Berbera ee ay gacanta ku hayso shirkadda DP World inay tahay khatar ku ah awooddiisa ganacsi ee gobolka. Eritrea, oo hore xulafo ula ahayd Itoobiya xilligii dagaalkii Tigrayga, ayaa ka walaacsan damaca badeed ee cusub ee Itoobiya. Dhanka kale, Masar oo loollan dhanka biyaha ah uu kala dhexeeyo Itoobiya kaas oo ku saabsan Biya-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya (GERD), ayaa uga faa’idaysatay xaaladdan inay ballaariso saamaynteeda Badda Cas, isla markaana ay loollan geliso awoodda sii kordhaysa ee Itoobiya.

Faragelinta dhinacyada ka baxsan gobolka ayaa sidoo kale xaaladda sii cakirtay. Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa taageersan heshiiska Is-afgaradka si ay u difaacdaan maalgashigooda. Turkiga ayaa xiriir la leh Itoobiya iyo Soomaaliya labadaba, inkastoo Ankara ay si rasmi ah ugu celcelisay inay ka go’an tahay midnimada Soomaaliya. Faransiiska ayaa kordhinaya joogitaankiisa militari ee Jabuuti, isagoo istaraatiijiyaddiisa ka soo weecinaya Galbeedka Afrika kuna sii jeedinaya gobolka Indo-Pacific. Dhanka kale, Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ka soo horjeedda heshiiskan, taas oo qayb ka ah loollanka kala dhexeeya Imaaraadka Carabta.

“Dhinacyada ka baxsan gobolka si toos ah uma kiciyaan colaadaha,” ayuu xusay Donelli, “laakiin joogitaankoodu wuxuu dhiirrigelinayaa dhinacyada maxalliga ah, kuwaas oo markaa dareemaya in jawiga siyaasadeed ee ku xeeran uu u saamaxayo inay qaadaan tallaabooyin aanay horey u qaadi karin.”

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday Baaqa Ankara Diseembar 11, 2024, kaddib dadaal dhexdhexaadin ah oo uu Turkigu hormuud ka ahaa, kaas oo lagu doonayay in lagu dejiyo xiisadaha sii kordhayay. Heshiiskani kama dhigna in laga noqday Is-afgaradkii (MoU) ee Itoobiya iyo Somaliland, balse wuxuu muujinayaa in laga gudbayo heshiisyadii gaarka ahaa ee hal dhinaca ahaa, loona jihaystay dibloomaasiyad ku salaysan wada-hadal goboleed.

Tani waxay sii xoojinaysaa qodob muhiim ah oo ku jiray warbixinta Donelli: in dhinacyada caalamiga ah ee ka baxsan gobolka, sida Turkiga, ay hadda door muhiim ah ka ciyaarayaan qaabaynta jihada istaraatiijiyadeed ee Geeska Afrika – oo aan ku koobnayn oo keliya maalgashadayaal iyo iskaashi dhanka ammaanka ah, balse sidoo kale ay yihiin dhexdhexaadiyayaal.

Sida lagu sheegay war-murtiyeed wadajir ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Baaqa Ankara wuxuu dhidibbada u taagayaa qaab-dhismeed wada-xaajoodyo farsamo oo lagu gorfaynayo sidii Itoobiya loogu oggolaan lahaa inay si ganacsi ah u isticmaasho dekadaha Soomaaliya, iyadoo loo marayo is-afgarad labada dhinac ah iyo hannaanno sharciyeed oo lagu heshiiyo.

Wixii ka dambeeyay Baaqa Ankara, waxaa si tartiib tartiib ah u soo hagaagayay xiriirka dibloomaasiyadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Addis Ababa. Horraantii sannadka 2025, Soomaaliya waxay oggolaatay codsi uga yimid Itoobiya oo ahaa inay ciidamo ku biiriso howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUS-SOM). Tallaabadan ayaa loo arkay inay tahay mid muujinaysa niyad-sami iyo bilow u noqon karta marxalad cusub oo soo afjarta xiriirkoodii hore u cakirnaa.