Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa lagu qasbay inuu aqbalo heshiiska xabad-joojinta Gaza ee lala galay ururka Xamaas kadib cadaadis ka yimid koox uu soo magacaabay madaxweynaha maanta xilka la wareegaya ee Maraykanka, sida ay sheegayaan warbixinno.
Ergeyga Bariga Dhexe ee Trumo, Steve Witkoff, ayaa kulamo “xiisad leh” la qaatay Netanyahu gudaha Israa’iil ka dib markii uu ka qeyb galay wadahadallo xabbad joojin ah oo ka dhacay Doha, sida ay sheegayaan warar xog ogaal ah, waxaana kulamadaasi ay fure u ahaayeen horumarka dhowaan laga gaaray heshiiska laga wada-hadlayey muddo 15 bilood ah.
Witkoff iyo kooxdiisu wax badan ayay ku “qanciyeen” Netanyahu inuu aqbalo heshiiska, marka loo eego maamulka Joe Biden ee baxaya intii lagu jiray 15-kii bilood ee la soo dhaafay, sida ay sheegeen saraakiil Carab ah.
“Heshiis waxaa la gaari lahaa waqti hore, laakiin labada dhinacba waxay horseedeen in wadahadalladu burburaan waqtiyo kala duwan,” ayuu sarkaal Carbeed u sheegay wargeyska The Times of Israel.
Madaxweynaha cusub ee Maraykanka ayaa la sheegay inuu doonayey xabad-joojin ka dhaqangasha Gaza ka hor caleema-saarkiisa ee maanta oo ah 20-ka Janaayo, wuxuuna u diray Witkoff Qadar iyo Israa’iil si uu ugu cadaadiyo Netanyahu inuu aqbalo tanaasulaadka loo baahan yahay si heshiis loola gaaro Xamaas.
Israa’iil ayaa marar badan hor istaagtay heshiisyo xabbad joojin ah oo hore iyadoo dalbatay shuruudo aan macquul ahayn. Saraakiisha Carabta ayaa diiday eedeyntii soo noqnoqotay ee Washington ee ahayd in Xamaas ay mas’uul ka ahayd guuldarada heshiis xabbad joojin ah oo hore, iyagoo sheegay in eedda ay dusha ka saaran tahay Israa’iil.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan kulanka Witkoff iyo Netanyahu ayaa muujinaya hab dhaqan adag oo saraakiisha Trump ay ula dhaqmayaan hogaamiyaha Israa’iil marka loo eego maamulka Biden, inkastoo la sheegay in ra’iisul wasaaraha la siiyay dhowr waxyaabood oo dhiirigelin ah si loo macaaneyo heshiiska, oo ay ku jirto ballaarinta deegaameynta Daanta Galbeed ee la haysto.
Netanyahu ayaa la sheegay inuu isku dayay inuu diido kulanka isagoo ku andacoonaya inay ahayd maalin Sabti ah, marmarsiiyadaas uu Witkoff si degdeg ah u beeniyay, isagoo tilmaamay inuu haysto xubno Yuhuud ah oo kooxdiisa ka mid ah oo diyaar u ah inay shaqeeyaan maalinta nasashada Israel.
“Witkoff ma ahan diblomaasi. Uma hadlo sida diblomaasi, dan kama lahan anshaxa diblomaasiyadeed iyo hab-maamuuska diblomaasiyadeed,” ayuu qof xog-ogaal ahi u sheegay wargeyska Haaretz.
“Waa ganacsade doonaya inuu si degdeg ah heshiis u gaaro, si aan caadi ahayn ayuuna hore ugu socdaa.”
Inkastoo Trump loo arko inuu yahay madaxweynihii “ugu taageerada badnaa Israa’iil” taariikhda Maraykanka, haddana xiriir xun ayuu la leeyahay Netanyahu, gaar ahaan ka dib markii Israa’iil ay aqoonsatay guushii doorashada Joe Biden ee 2020-kii.
Toddobaadkii hore, Trump ayaa share gareeyey muuqaal ku tilmaamaya Netanyahu inuu yahay “madow, shar badan yahay”.