Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed xalay ka dhacay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyay maleeshiyaad ku wada sugan magaaladaasi.
Dagaalka ayaa lasoo wariyay inuu si gaar ah uga dhacay xaafadda Garsoor, waxaana uu daba socday colaadda indhowaanahaan ka taagnayd galbeedka gobolka Mudug
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, iyada oo sidoo kale habeenimo ay barakac sameeyeen dadka deegaanka.
Is-raaseynta oo muddo socotay kadib ayaa waxaa ku baxay ciidamada ammaanka ee maamullada Galmudug iyo Puntland oo kala dhex-galay maleeshiyaadka labada beelood, waxayna ku guuleysteen inay joojiyaan dagaalka, ayna damiyaan xiisadda.
Sidoo kale waxaa haatan waxgaradka deegaanka oo baaq deg-deg ah kasoo saaray colaaddan ayaa dalbaday in dagaalka la joojiyo wax welibana lagu dhameeyo wada-hadal.
Odayaasha dhaqanka ayaa sidoo kale waxa ku taliyeen in shuruud la’aan lagu aqbalo go’aannada nabadeed ee la gaaro, si meesha looga saaro xiisadda taagan.
Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa weli kacsan, waxaana lag dareemayaa saameynta dagaalkii xalay ka dhacay gudaha magaaladaasi oo xarun u ah gobolka Mudug.