Sidee u daweyn lahayd bukaan dhinac kasta ka taahaya? (Faallo xiiso badan)

Burburkii dalka wax kasta waxay noqdeen jaantaa rogan, waxaana meesha ka baxay heykalkii dowladnimo iyo hufnaantii lagu kala saarayay dadka loo xulanaayo howl la rabo in la qabto.

Waxaa ilaa xididada dhiiga nagu saaqay wax la yiraahdo (Qabyaad), taasoo door weyn ku leh qaran la’aanta nala hartay muddada 20-ka sanno ka badan.

Ka waran adigoo dhinac kasta ka taahaya oo cudur uu ku soo ritay haddii lagu geeyo Isbitaal siddeelagu daweyn lahaa ama halkee ayaa laga billaabi lahaa la tacaalida xanuunkaaga?!!

Jawaabta su’aashan qof kasta si buu uga jawaabi lahaa, bals dhakhtarka laguu geeyo iyo itaalkiisa ayey noqoneysa sida uu ku badbaadiyo.

Haddii aan intaas Arar iyo Hogal tusaaleyn ka dhigo, waxaan markan rabaa in aan ka hadlo heerka Sports-ka Soomaaliya ee uu maanta taagan yahay.

Cayaartoy da'yer oo lagu tabbabaraayo garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho
Cayaartoy da’yer oo lagu tabbabaraayo garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho

Sportska Soomaaliya, wuxuu ka mid ahaa wax yaabaha aan raat tirmin intii dowlad la’aanta ay dalka ka jirtay, wuxuuna ka mid ahaa isaga iyo nidaamka wax-barashada kuwa aan saaxada caalamiga ah door ku laa oo ka muuqday, oo waxay noqdeyn goobta kaliye ee laga dheehdo jiritaanka Soomaaliya in ay tahay weli dal jirra oo adduunka ka sii jira.

Waxaan ka qeybgalnay tartamo caalami ah, oo isugu jirra, kubadda cagta, kubadda kolayga, oradada, cayaaraha fudud iyo noocyada kale ee cayaaraha, balse waxaa su’aasha la is weydiinaayo ayaa ah ka qeybgal mooyee natiijo ma ka soo hoynay? Jawaabtu waa Maya.

Kama wado in aan warbixinta ku dhaliilayo itaalka xiriirada Sports-ka ama dadka howsha haya iyo xitaa cayaartoyda balse waxbo wax baay dhaamaan.

Maxaa sabab u ah guul-darrooyinka ay la kulmaan xulkeena qaranka?

Dad badan ayaa aaminsan in dhowr arrin ay sabab u yihiin, waa marka horee, qaabka loo soo xulo cayaartoyda ayaa ah qaab aan habooneyn oo waxaa laga xulaa magaalada Muqdisho, waxaana ay ahayd in laga soo xulo cayaartoyda gobalada dalka, waxaana hubaa in la heli karay cayaartoy cudud leh,

Mida labaad ayaa ah iyadoo waqti ku filan aan la xareyn cayaartoyga si uu tabbabar ku filsn iyo Isfahan uu u la yeelan lahaa cayaartoyda kale.

Waa mida seddaxaad iyadoo aaney jirin dhaqaale iyo mushaar la siiyo cayaartoyga.

Waxaa kaloo jirin cayaartoyga in aan caafimaadkiisa laga fikirin ama la koontaroolin cuntada uu qaato ama uu lee yahay haddii kale balwad.

Waxaan la kulmay dad badan oo u dhuun-daloola cayaaraha Soomaaliya, waxay lee yihiin iyadoo aan la helin hannaan wanaagsan oo lagu maamulo Soprtska Soomaaliya lama heli doono xul ama koox guulo ka keenaya cayaaraha caalamiga.

Waxaa kaloo la kulmay cayaarayan igu yiri markii aan ka soo qeybgalay cayaaro aan ka qeybgalay, waxaa dhacday markii aan dalka ku soo laabtay waxaa la iga qaaday baasabookii aan lahaa iyo dharkii aan ku cayaarayay oo la igu dhahay iska soo siib.

Xaqiiqo kale oo dhacday.

Afar sanno ka hor ayaan ku booqday gurrigiisa oo ku yaallay meel dhowr km u jirta degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose, goolhayihii ugu horeeyay ee xulka kubadda cagta qaranka Soomaaliya, Jeylaani Maxamed Cali.

Wuxuu la jiifay xanuun in muddo ah hayay, wuxuu ii sheegay in uu ka qeybgalay cayaaro caalami ah, isagoona intaas iigu daray in uu u dhaawacmay qaranka Soomaaliya balse uu hadda noqday qof ku dhibaateesan gurigiisa oo aan lala socon xanuunkiisa.

Hadallada uu igu yiri waxaa ka mid ahaa “Qofka inta uu caafimaad qabo ayaa la rabaa, markii uu haddii uu xanuunsado qiimo ma lahan”

Haddaba natiijadii ka dhalatay nidaam la’aanta waxay na badeen wax yaabo badan oo halkan lagu soo koobi karin.

Iskaba daa Soomalida, oo waxaaba dhibka aan ula simanahay cayaartoyda kale ee Africa.

Tusaale kale, cayaarihii koobka adduunka ee dhawaan ku soo idlaaday dalka Brazil, waxaa cayaartoyda Africa ka socday, ay ka cabanayeen lacago loo ballan qaaday oo aan la siin, waxaana fadeexadas durba laga dareemay intii ay cayaaraha socdeen.

Arrimahaas waxaa ku dhaaqay dowladihii ay matalayeen, oo qaar baa yiri maba cayaareyno annagoo lacagihii aan helin, waxaana ay qasabtay in lacago badan diyaarado lagu soo daabulo.

Kolba hadii waddmada naga dhaqaalaha buurnaa ee qaarada ku yiilay ay sidaas ula dhaqmayaan cayaartoydooda, Soomaaliya warkeedaba daa.

Ugu danbeyntii, waa la garan la’yahay cudurka haya dawadiisa, balse waxaa hubaal dawada cudurkaas waxaa la heli karaa uun marka la qirto ugu yaraan xuquuqda la duudiisyay dad badan oo lahaa, waana dhawaaqyo ka soo burqaneysa maskaxda malaayiin Soomaali ah.

“Cudurka aad wada huwan tihiin, Qabiil weeye, Sideebaa Soomaalaay qanan ku noqon, miyaaneey jirin wax is qabto la qadarin walaalayaal, miyeeydaan arkin dhibka nagu dhacay walalayaal, miyeeydaan arkin horumarka uu gaaray aasgeen?.

W/D: Maxamedkaafi Cali Muumin

Mohamedkafi01@gamil.com

Mogadishu| Somalia

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid