Aragnay xildhibaannadii PUNTLAND ee qabiilku qaadaye aaway kuwii XAMAR

Waxaa la yaab ah in xildhibaano loo doortay inay sharciga u dejiyaan dalka Soomaaliya ay noqdaan kuwo qabiil dantiisa ka shaqeeya. Xildhibaanada Puntland looga yeeray ee u hogaansamay amarkii madaxweynha dowlad goboleedka Puntlnad waxaa ay dileen sharafta baarlamaanka.

Haddii baarlamanku la xisaabtami waayo xildhibaanadan waxaa muuqaneysa in meesha in uusan ka jirin baarlamaan Soomaaliyeed balse ay ka jiraan kooxo qabiil u abaabulan oo daneystayaal ah. Waxaan ognahay in xildhibaanadan aaday Puntland ay inta badan abaabulaan baarlamaanka ka dhex abaabulaan mooshino mucaarad ku ah Magaalada Muqdisho tasoo muujineysa qabyaaladoda waxaa ka mid ah:

1. Mooshinkii lagu joojiyay dhismaha garoonka diyaaradaha ee muqdisho.

2. Mooshinkii lagu joojiyay kaarka dhalashada (ID CARD) oo laga bixinayay dowlada hoose Xamar.

Intaa waxaa dheer waxaa ay maalin iyo habeen u taagan yihiin in ay ka shaqeeyaaan lugooyada ummada Soomaaliyeed waxaa ay saxiib dhaw la yihiin dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo qeyb ka ah dhibaatada ka jirta Soomaaliya. Hadaba waxaa isweydiin leh dadka sidaas u dhaqmaya mala dhihi karaa waa xildhibaano soomaaliyeed oo dadku u siman yihiin?

Aniga waxaa ay ila tahay maya lama dhihi karo xildhibaano ee waa in layska qabtaa. Xildhibaanada kale iyo gudoonka baarlamaanku waa in ay weydiiyaan meesha la xukumo xilldhibaanada Puntland iyo cida xukunta ma Abdiweli Gaas ayaa xukuma mise sharciga baarlamaanka iyo Jawaari?

W/Q: Cabdi Cumar Cadaawe

xamar70@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid