Soomaali ka cabaneysa SAFIIR qarankii SOOMAALIYA ka door biday beeshiisa

Ergayga Dowladda Federaalka u fadhiya, Xafiiska Qaramada Midoobey ee Dalka Switzerland Magaalada Geneva, Yuusuf Bari Bari, ayaa waxaa si aad ah u dhaleeceeyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi.

Safiirka ayaa wuxuu ula dhaqmaa dadka Soomaaliyeed iney yihiin dad shisheeye isaga oo aan wax xushmad iyo xaqdhawra intaba midna siin metelinna, sidoo kale Safiirka ayaa u dhaqma inuusan metelin dadka Soomaaliyeed, Safiirka ayaa  had iyo gooraale  wuxuu u diraaa Casuumaddo, Fiisooyin, iyo  Kaalmoba Maamul Goboleedka Puntland.

Waxaa dhawaan laga helay dalka Switzerland, Deeqo waxbarasho oo dhawr ah, waxaana la keenay, dad u dhashay Garoowe iyo Boosaaso oo weliba Jufadiisa ah, Arrimahan ayaa ah ku uu ku caan baxay.

Oday deganaa muddo ku dhawaad 20 Sanno ayaan weydiiyey sida uu u arko, intuusan ii jawaabin ayuu I geeyey, Xafiiska la midka ah ee Uganda ku leedahay dalka Switzerland ee Geneve, (Permanent Mission of the Republic of Uganda to the United Nations Office and other international organizations in Geneva) waxaa ku dhegan Sawirka Madaxweynahooda iyo 7da Madaxweyne ee IGAD, oo uu ka mid yahay, Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna I geeyey, Xafiiska ama Qolka  ay ku magacaabantahay, Permanent Mission of the Federal Republic of Somalia to the United Nations Office and other international organizations in Geneva) halkan ka gal: “http://www.unog.ch/unog/website/missions.nsf/(httpPermanentMissions_en)/DDC94DF9423BAFFFC1256F410045205B?OpenDocument&unid=”

Markaan galay, Qolka ayaa waxaan ka muuqan wax  haba yaraatee u eg Astaan Soomaaliyeed, waxaadna moodaa “ Nootaayo ama Arji qore”  waxaanu ugu galnay wiil dhallinyaro, oo aad u xanaaqsan waxaan isku dayey inaan u kuurgalo, waxaanan ka waayey Sawirka Madaxweynaha Soomaaliyeed ee aan ku soo arkay Safaarad waddan Shisheeye.

 Inkastoo labada meeloodba layga diiday inaan Sawir ka qaato, haddana waxaan ka codsadey Safaarada Uganda waxayna ii ballan qaadeen, in marka ay weydiiyaan madaxdooda aan qaaddan doono, Sawiro iyo wixii kale ee macquulaba.

Waxay ii sheegeen, Bulshada ku dhaqan,  Dalkaasi, in Laga casuumey tiroba Saddex jeer, Sanadguurada Xornimada ee 1.da Luulyo,  balse intaba ma uusan iman qaarna wuu ka cudurdaartey qaarna wuu Jareyba sabab la’aan,  Balse waxaa lay sheegay inuu isagu Abaabullo oo qarash ku bixiyo, 1 August oo Hal bil u dhaxayso, ahna Maalintii la aas aasay Maamul Goboleedka Puntland.

Dadweynaha reer Switzerland oo cabashooyin horre ka muujiyey oo wasaaradda arrimaha dibadda iyo Xakuumaddaba  Federaalkaba u direy dhawr jeer cod dheer ayaan laga dhegaysan lamina garanayo sababta  Safiirkan oo la magacaabay  2007dii ilaa hadda uu u joogo dalkan ee waxba looga bedeli waayey?

Bulshada ku dhaqan waddankaas ayaa Baaq iyo farriimo ka dhan ah  Ergayga Qaramada Midoobey u fadhiya dalka Switzerland in si degdeg ah wax looga qabto oo talaabo lagu diirsado laga qaaddo, waayo maaha Safiirka Puntland waa kan Soomaaliya, haddana dadka dhex uma aha, mana qiimeeyo Bulshada Soomaaliyeed ee halkaa kula dhaqan, waxaa isaga oo cadho ka Muuqato Bashiir Abdi uu ii sheegay  in Habeenkii Xafladda 1 Agoosto uu si toos ah u Aflagaadeeyey, Madaxda Dowladda Federaalka, wuxuuna yiri, hadda ka horna wuxuu si xun ula dhaqmay Ra’iisalwasaare Saacid Shirdoon, waxani Safiir maaha ee waa Nabaddoon beeleed ayuu yiri.

Haddaba maxaa la gudboon, Xukuumadda Federaalka iyo Wasaarada Arrimaha Dibada ee Federaalka.ma iney sidaa u sii eegtaan mise iney Codka Shacab weynaha Soomaaliyeed ee Saluugsan dhaliishana usoo jeediyey Masuulka Safaarada arrintooda wax ka qabtaan?

Xayle Suudi Xay777@hotmail.com