Maxaa ka qayliisiyey C/weli Gaas, mase sii hayn doonaa xukunka PUNTLAND?

Maxaa ka Qaylisiiyey Madaxwayne Gaas, Mase sii Hayn Doonaa Xukunka Puntland? Imisa Maamul Goboleed ayey Dowladu la Shir-Tegaysaa?.

Maalintii Arbacada ee 30-kii Jully waxa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya looga dhawaaqay Heshiis Taariikhi ah oo Maamul Goboleed loogu samaynayo Gobolada Galgaduud iyo Mudug, waxa ka qayb galay Xafladii ka dhacday Aqalka Madaxtooyada Soomaliya Madaxwaynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Max’uud, Raysulwasaare Cabdi-Weli Shiikh Axmed, Xubno ka socday labada Gole ee Dowlada, Cuqaal, Nabadoono, Waxgarad, Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo Xubno ka socday Beesha Caalamka.

Waxa halkaasi lagu gaaray Heshiis ka kooban 11 Qodob oo Maamul loogu samaynayo Gobolada Galgaduud iyo Mudug, waxaa Qalinka ku duugey Madaxwaynaha Maamulka Gal-Mudug State Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, Gudomiyaha Golayaasha Maamulka Ahlusunna Waljamaaca  Ibraahin Sheikh Xasan Guureeye, waxaana Madasha ka maqnaa Madaxdii Maamulka Cadado oo goobta laga sheegay iney Saxiixa ka soo daaheen.

Goobtii lagaga dhawaaqay Maamul u samayntaas wxaa ka hadaly oo ka mid ahaa Dadka uu sida tooska ah u khuseeyey Heshiiskasi  Madaxwaynaha Maamulka Gal-Mudug State Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo sheegay iney aad u dhibayso Maamul la’aanta mudo ka badan 20 sano k jirta Gobolada Mudug iyo Galgaduud waxa uuna yiri,  “ Fad ama  ha Fadin waa lagu Fadsiin oo macnaheedu yahay Diid ama ha diidin waa lagu rabsiin ama khiyaar ma lihid ”.

Dad badan ayaa durba soo dhoweeyey Heshiiskasi oo Muraadkoodu ahaa oo kaliya in mar uun Maamul loo sameeeyo Mudug iyo Galgduud oo qayb ka ah Mushkiladda Soomaliya, waxaana ka hor yimid Madaxda Ximan iyo Xeeb iyo Masuul u hadly Ahlusunna Wal-jamaaca, in kastoo ay taageereen Madaxda Magaalooyinka Dhuusamreeb, Guriceel, Caabudwaaq iyo Balanbale…

Waxa la yiri Farta iyo Meesha Bugtaa iyo is og, Gunaanadkii Saxiixa ee ka dhacay Villa Soomaaliya waxaa ka hadlay Madxwaynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Max’uud, waxa uuna yiri.” Waxaa Maanta la gaaray Heshiis Maamul loogu samaynayo  Gobolada Dhexe gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug, Heshiiskaasu waxba u dhimi maayo Maamul Goboleedka Puntland” .

Laakiin Madaxwaynha Dowlad Goboleedka Puntland Cabdi-Weli Max’ed Gaas ayaa si wayn uga soo horjeestay  in Maamul Goboleed loo sameeyo Gobolada Mudug iyo Galgduud, waxa  uuna yiri. “ Hadaan nahay Puntland waxaan ka soo horjeednaaa Maamulka looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho” waxa uuna intaa sii raaciyey “ waxaan  Xiriirkii u jarnay Dowlada Federaalka Soomaliya, waxaana ugu baaqaya Xubnaha Baarlamaanka ee Ka soo jeeda Puntland iyo Marwo Caasha Geele oo Madax ka ah Gudiga dib u eegista Dastuurka  iney  ka hor yimaadaan Heshiiskaas oo ay dib ugu soo laabtaan  Puntland”

Dadku waxay is waydiinayaan waxa ka qaylisiiyey Madaxwayanha Puntland Cabdiweli max’ed Cali, waa Hagaag,  Gobolka Mudug kala badhkiis waxa uu hoos yimaadaa Maamulka Puntland ee uu Madaxda ka yahay, hada iyo wixii ka danbeeyana waxa uu hoos tegi doona Maamul Goboleedka cusub ee Mudug iyo Galgaduud oo aan ilaa iyo hada Magaciisa laysku raacin, waxaana iska cad mar hadii ay sidaasi dhacdo in Madxwayne Gaas oo asal ahan ka soo jeeda Waqooyiga Gaalkacyo aanu Sii Xukumi doonin Maaamul Goboledka Puntland oo ku soo aruuri doona Gobolada Bari iyo Nugaal, iyadoo dhinaca la hadal hayo in Maalmaha soo socda Dowlada Federaalka Soomaaliya Maamul Goboleed cusub oo ka madax banaan Soomaaliland iyo Puntland u samayn doono Gobolada Sanaag iyo Sool.

Dad badan ayaa u garaabaya Qayladhaanta Madaxwaynaha Puntland maadaama la ruxay ama la giliyey Madaxtinimada Maamulkiisa, laakiin waxaan marnaba loo garaabi karin Qayladhaanta Maamulada Cadaado iyo Dhuusamreeb, taasoo lagu macnayn karo iney doonayaan oo kaliya in Gobolada dhexe gaar ahaan Mudug iyo Galgaduud ay weligood Maamul la’aadaan, taasoo aan sina loo aqbali karin.

Gebagebdii Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa la shir-tegi doonta hada iyo wixii ka danbeeya 7 Maamul Goboleed oo kala ah:- 1- Maaamulka Jubba oo ka kooban J/Hoose, J/Dhexe iyo Gedo. 2- Koofur Galbeed oo ka kooban Bay, Bakool iyo SH/Hoose. 3- Hiiran oo ka kooban Hiiran iyo Sh/Dhexe. 4- Gobolada dhexe oo ka kooban Mudug iyo Galgaduud. 5- Puntland oo ka kooban Bari iyo Nugaal.                     6- Maamulka Gobolada Sool iyo Sanaag. 7- Somaliland oo ka kooban W/galbeed, Togdheer iyo Owdal iyo Magaalada Muqdisho oo leh Maqaam gooni ah.

NB:- Maamul Goboleed walba waxa Waajib looga dhigay inuu Xeeb lahaado.

W/D. Cabdinaasir Xirsi Iidle.

E-Mail. Naasirx1@hotmail.com

Tel 00252615503978

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid