Saado Cali waxaa dilay….…Wadanigow Ogow (Warbixin xasaasi ah iyo VIDEO)

Saado waxaa aay aheeyd cidna loo sheegimaayo xaqiiqdii waxeey ka tagtay taariikh  dhaxalgal ah oo  caruurta aanan hada dhalan ku barbaari doono xornimada iyo gumeeysi diidka Somalia, heestani waxaa aay ka qaaday shirweeyne aay qaban qaabiyeen walaalaha ONLF ee Sweden,  shirkaasi oo aay ka soo qeeyb galeen dhamaan inta damiirka leh ee jecel xornimada iyo gobonimada Umada Somali,  shirka oo aan ka midka ahaa ragii lagu casumay waxuu ka dhacay Sweden, waa markii iigu horeeysay ee aan arko Saado Cali si   live ah wallow aan aad ulla socday  in aay haeeyd fanaanad geesi ah umada u horseeday in aay cadaalad isku dhaqaan, sida aad ka arkeeyso cajalada shirka waxaa ka soo qeeybgalay dhamaan halgamayaasha ONLF ee caalamaka ku nool, waxaa laga yimid waqooyiga USA Yurub, dabcan shirka waxaa joogay hogaanka sare ee jabhada ONLF.

Markii la soo gaaray in masraxa lagu soo dhaweeyo Saado Cali ayaa dadkii oo dhan amakaagay runtiina filan waayay meesha Saado ka soo baxaday iyo sida geesinimada ah oo aay ugu bareertay in aay ka qeeybgasho shirweeynaha jabhada ONLF iyda oo la ogyahay in dadka qaarkiis oo ku dhashay dhulka gumeeysiga ku jiraa aayan awood u laheeyn in laga daawado shaashada ayaga oo weli cabsi ku jira balse Saado waxeey aheeyd geesiyad u bareertay in aay guubaabiso umada gumeeysiga ku jiraa sidii aay ugu xoroobi lahaayeen Ethiopia.

Saado waxaa aay halkaasi ka qaaday hees runtii noqotay mid dhaxalgal iyo keed u ah dhalaanka Somali ee aanan weli aduunka iman balse guubaabo u ah kuwa aduunka saran sidii aay isga xoreeyn lahaayeen Tigreega Ethiopia. Nin ila fadhiyay goobta shirka runtiina aan u arkay in uu ahaa kuwa u shaqeeya Qoodhiga Tigreega aaya markii heesta lagu celceliyay ilaa laba goor, waxuu igu dhahay war tani malageeda galay maxeey taarikhdaa la tagay  u sheegeeysaa xal iyo nabada ayaan jecelnahay in aan kula noolaano Ethiopia weeyna noo ogolyihiin,  dib ayaan u fiiriray Ninka waxaana ku dhahay halkaan Cabdi ileey laguma  amaanayo waadna soo qaldantahay, markaas ayuu igu dhahay war  adiga war waa Dr.  Hirabe sow Hawiye ma aheeyn markaas ayaan waxaan ku dhahay xornimada gumeeysiga Tigreega ayaa kuu sheegay in aan ahay Hawiye, waxaan ahay xubin ONLF ah  Sida aay  Saado Cali  aay xubin ugu tagay qofwalba oo Somali ahna waa xubin miyaadan ogeeyn,  waan arakay sida aad C/aahi Yusuf u neceb tahay, waxaan ku kala taganay C/aahi ma necbiyee Tigreega ayaan necbahay. Saado heesta lagu dilay waa tan: Muqdisho dadka wax ku dilaa waxaa ugu badan Ethiopia /Somali leh hadaf guracan una shaqeeyan Tgreega.

Ogaadeeyna weey xoroobi OLNF weey Xoreebi

Aniga Somaliyeey arliga waan u dhimanayaa Tigreegaan  aasayaa  umada waan kicinayaa soowdkeeygaan ku ogayaa   anigaa ku  adimaya duhur  Waixii ina dhiig ku jira ayaan u dhawaaqayaa,  qofkii igu raacsanow Ilaah janda ka  waraabi  midkii aan jihaadine aaqiro naartii ku waar,

Aduunka naceeybka jooogo adigaa isqowracee anigau waxba nama  yeelin,  adaa Xabashi isku dhibiiy  ( Cabdi Ileey ) adaa Oogada ka raran adoonsi adaa aqbalay anaga wax namaada  yeelin,  ilaah baa nala jiroo cuqubadeey naga geleen  ayaa noo hiilineeysoo awood baa lagu muquunin Alahu Akbartaa ka adag, Ogaadeeyna weey xoroobi  oo  oo  OLNF weey adkaan .

Ilaa iyo Maliliq baa  adoonsiga   nagu kor-joogay  Aworkii Mingastaa ka rogay Egana  Melez baa nahaaste ilaah xaqii miyaa in aan dhibtaa ku jirno  May Maya  Xornimo ayaan u baahanahay Ogaadeeyna weeyn xoreebi OLNF weey adkaan.

We need freedom

Dr. Ali. A. Hirabe        

Hirabe_a@hotmail. com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid