Ku mudahaaraad madaxwaynaha, mise la munaaqishood? (Fowdada Mpls)

Marka madaxda wadanka wax laga tabanayo waxaa waajib ah in loo caddeeyo wixii khaladaad ah ee jirra iyadoo aan lagu xad-gudbayn hab-maamuuseedka kursiga ay ku fadhiyaan. Haddaba, waxaa dhawaan inoogu iman doonna Minnesota Md. Madaxwayne Xassan Sh. Maxamuud, markaa maxaa Soomaalida halkan joogta la gudboon, ma inay ku mudaharaadaan mise inay la munaaqishooddaan?

Taas inta aynaan taa ka jawaabin, waxaa xusid mudan inaynu bal dib u eegno habka Maraykanku ula dhaqmaan madaxdooda marka ay safarada dibada ah ku maqan yihiin.

March 27keedii 2012 ayaa Obama isagoo safar ku maraya Koonfurta Kuuriya uu mikirifoon si aan ku talo-gal ahayn uga qabtay isagoo ku leh Dmirty Medvedev oo ahaa madaxwaynahii Ruushka, inuu wax ka qaban doonno heshiiska gantaalaha doorashada kadib. Laakiin, maadaama ay markaa carqalad ku noqon kartay dib-u- doorashadiisa in waxoogaa dib loogu dhiggo.

Arintani, waxay u muuqatay in madaxwaynuhu yahay mid laba-wajiile ah oo dadkiisana si wax ugu sheeggayay, Ruushkana si kale wax ugu sheeggayay. Markaas ayay xisbiga mucaaradka ah qaarkood damceen inay fadeexadaas ku dhaliillaan madaxwaynaha, haseyeeshee waxaa markiiba u caqli celiyay John Boehner oo ah ninka mucaaradka ugu tunka wayn, kaasoo saaxiibadii ku waaniyay, “it’s appropriate that people not be critical of him or of our country.” Oo uu macnaheedu yahay in aanay dadku dhaliillin madaxwaynaha iyo wadanka toona (marka uu dibada ku maqan yahay).

Sidoo kalena, Josh White 1950 wuxuu diiday inuu qaaddo heestiisii caanka ahayd ee anti-lynching (Strange Fruit) mar ay yurub ku wada sugnaayeen Eleanor Roosevet. Waayo wuxuu diidayay inuu ceebaha wadankiisa banaanka kusoo qufo.
Haddaba, maxay Ameerikaanku u aaminsan yihiin in aanay haboonayn in madaxwaynahooda sumcadiisa wax loo dhimo markuu safar dibadda ah ku maqan yahay? Taas sababaynteedana waxaynu ku soo ururin karnaa sadexda qodob ee soo socda, oo la aaminsan yahay inay dhaliishaasi sababi karto:

1) in sharafta kursiga uu ku fadhiyaa hoos u dhacayso,
2) in dannihii uu qaranka u soo fullin lahaa ay xayirmayaan,
3) in cadawgoodu uu ka faa’iidaysan karo kala qaybsanaantooda.

Miyay dhici kartaa inaynu dhaqanka noocaas oo kale ah la nimaadno haddaynu Soomaali nahay? mise waxaynu nahay dad kala duwan oo aan isku dhaqan iyo diin ahayn, sidaas darteedna aanay haboonayn in dadkan lagu daydo? Taas idinka ayaan jawaabteeda idiin daynayaa.

Waxaase jirta, in maalin dhawayd aan la kulmay nin aanu saaxiibo nahay oo igu casuumay inaan ka qayb qaato mudaharaadka ku liddiga ah Madaxwaynaha ee ka dhici doonna Minneapolis maalinta jimcaha ama sabtida inagu soo aadan.
Haddaba, markaan dhuuxay xogtii saaxiibkay isiiyay oo dhan waxaa iiga soo dhex baxay inay jirraan tabashooyin rasmi ah oo badan oo ay ka mid yihiin musuqmaasuqa dawladda, qaraabokiil, hoggaan jillicsan, iwm.

Kulankii saaxiibkay waxyaalaha qaarkood waan ka garaabay, madaxwaynaha iyo xukuumadana waxaa looga baahan yahay inay wax cad ka qabtaan tabashooyinkaas. Haseyeeshee, ma rumaysan karo inuu madaxwaynuhu lug ku yeellan karo shakiga dilalka qorshaysan ee Muqdisho ka dhacaya, gaar ahaana kuwa xildhibaanada lagu beegsanayo. Waayo, isaga laftiisa ayaaba dhawr-goor ka badbaaday weeraro lagu khaarajin lahaa.

Walaalayaal, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, ninna korkiisa biyo kama hagrado. Caqliga suubanni wuxuu ina tusayaa in madaxwaynaha ay sumcadiisu ku jirto inuu aduunka iyo Soomaalidaba tuso inuu nabad-gelyada wax wayn ka qabtay. Laakiinse, cadawga ayay ugu badisaa in la dhaawaco nabad-galyada, si dadka loogu tuso inuu maamulkiisu fashilmay oo ay meeshu fawdo tahay. Sidaas awgeed ma haboonna in intaynu ciddii dembiga qirtay ka weecino aynu cid kale dusha ka saarno.

Haddaba, hadaynu nahay Soomaalida Minnesota waxaan ku talin lahaa inaynu Madaxwaynaha waxaynu tabanayno u gudbino iyadoo qoraal ah, su’aallana ka waydiino wixii mugdi ku jirro, laakiin aanay haboonayn inaynu ku mudaharaadno. Arintaana waxaan sabab uga dhiggayaa mudaharaadku in uu:

1) Midnimadda Soomaalida USA wax u dhimayo
2) Sharafta Ummadeena ayuu dhaawac gaarsiinayo
3) Horumarkii la higsanayay ee USA inaga caawin lahayd ay wiiqmayso.
4) Talaabo kasta oo aynu dib u qaadnaa waxay dani ugu jirtaa cadawgeena
5) Aynaan horseedin sunne xun oo madaxwayne kasta oo yimaada lagu kicin

Walaallayaal, idinkoo iga raalli ah, hadafkeenu ma inuu safarka Madaxwaynuhu guud ahaanba guul-daraystaa, mise waxaynu rabnaa inaynu wax toosino si aynu u helno maxsuul ka wanaagsan kan hadda jirra? Waxay illa tahay inaynu toossin uun rabno, markaa waxaan ku tallin lahaa in gacmo-geeljire hoos baa loo dhaqaaye, wixii tabashooyin ah ku dhamayno qaab hufan oo garawshiinyo iyo Soomaalinimo ku jirto.

Walaalkiin,

Axmed-Assad
Barmaamijaka Murtisoor Ee Dhaqanka, Afshaxanka & Suugaanta
Facebook.com/Murtisoor, Twitter @AxmedAssad, Ahmedy98@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid