WARKII GAAS: HAWEENEYDII saygeeda ku tiri “HOOYADAY BAAD IGA TAHAY”!

Xaaladda Soomaaliya ee maanta waxay la mid tahay hooyo aan dhowr iyo labaatan sano aan dhalin canug hanaqaaday oo markii uu gaaro socod baradka siriq uusan gudbi Karin u dhigayeen sokeeyaha ugu dhaw sidaana saxariir iyo silic  saaxada  nolasha  uga baxayey.

Sidaa si la mid ahna dhowr ku dhashay dhicisnimo halkii la wada korin lahaa ay hooyada iyo a abbahu is furayeen;  adeerada iyo abtiyaashana halkii ay heshiisiin lahaayeen ladaba dhinac  u kala hiilinayeen .

Marxalad kasta oo uu dalka soo ma to waxaa la gaaray xilli la filaayey in dhiciskii ugu dambeeyey uu yara dhaafo xilligii socod baradka una gudbo hanaqaad lagu hiigsado hannaan dowladnimo looga gudbo xaaladihii fawdada ee dalka ku sugnaa 23 sano ee ugu dambeysay.

Waxaase wax lala yaabo ay in ay   weli jiraan canaasiir rabta inay mijixaabiso masiirka ummadda markastana jillaafo u dhigayo tallaabo kasta ee dalku ku hiiigsan karo horumar taam ah.

Canaasiirtan waxay ku awr kacsadaan qabyaaaladda oo ah cadawga koowaad ee dalkeenna dib u dhaca u horseeday.

Kooxahan markasta ay danahooda ka dhexwaayaan nidaamka hadda jira waxay ka door bidaan inuu burburo, dilka,  dhaca iyo dagaallada dalka ka jirana aysan ka danqin, balse ay u muuqato uun danahooda gaarka ah Iyagoo ku hadaaqa  hadallo ay ka mid yihiin looma dhamma, jufadeenna waa lagu qadiyey, maamul goboleedkeenna waa la hoosaasiyey, saamigii aan lahayn nalama siin, nalama tashan iwm. Taasina waxay ugu dambeyn dhalisaa inay xubnaha dowladda uga jira ugu baaqaan inay isaga soo baxaan.

Tallaabadii ugu dambeysay ee raadkeedu uu muuqdo waxaa ku dhawaaqay Hoggaamiyaha maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed cali gaas isagoo sabab kaga dhigay ku dhawaaqista Maamulka Goboleedka Goballada dhexe oo uu u arkay mid ka hor imaanaya danaha Puntland.

Hoggaamiye Gaas wuxuu caddeeyey inuu xiriirka u jaray Dowladda Federalka;  islamarkaana wuxuu u yeertay xubnihii gobolkaas u masilayey Baarlamaanka.

Arrintaasi waxay ka fajicisay siyaasiyiin iyo indheergarad badan oo filayey in maamulka Cabdiweli noqdo kan ugu horreeya ee soo dhaweeya tallabadan horay loo qaaday; waxay qaarkood ku tilmaameen in Gaas uu si indho la’aan ah u raacay waddadii Faroole kana baxay heshiisyadii Garawe 1 iyo 2 ee lagu ebyey nidaamka Fedraaliga ah.

Sidoo kale sharciyaqaannadu  waxay caddeeyey in hadalkii Gaas uusan uusan sharciga waafaqsanayn maadaama Puntaland ay hoos timaado dowladda Federaalka aysanna ahayn dowlad gaar oo xiriir jari karta ama xiri karta.

Arrinkan  waxa ay I xusuusisay haweeney ninkeeda ku tiri “Hooyadey baad iga tahay” markaasoo uu ninkii wareeray wax uu sameeyana garan waayey,  halkii uu ula tagi lahaa culimada aqoonta u leh mas’ aladan ayuu iyadii ula laabtay oo ku yiri Maxaan sameeyaa.

Kolkaasey ku tiri “Si aad igu soo labatid waa inaad kafaaro bixisaa taasoo ay inaad 30 maalmood oo is xiga soontaa ama aad bixisaa 6 kun doollar oo qaraabadeyda la siiyo”.

Ninkii waxaa u sahlanaatay inuu haweeneydii siiyo 6kun oo dollar si uu ugu laabto. Haweeneydii halkii baa il uga baxday oo markii arrin ciriiri ka gasho waxay odaygeeda ku tiraahdaa “Hooyadey baad iga tahay” isna uu ku qanciyo inuu jeebka u buuxiyo.

Hadii aan waadixiyo arrinkan hooyadey baad iga tahay waxaa la yiraahdaa Ad-dihaar (الظهار),   waana in Ninku uu haweeneydiisa ku yiraahdo “Waxaad iga tahay hooyadey oo kale”, qur’aankuna wuxuu ku tilmaamay arrin fool xun oo la inkiro sida ay caddeyneyso aayaddan:

g1

“Kuwa haweenkooda kala mid dhiga hooyadood oo kale haweenkoodu ma aha hooyadood, hooyo waa midda wax dhashay, kuwaasina waxay ku hadlayaan hadal xun iyo been Ilaahayna waa Saamax badane Dhaafid badane.”

Haddii ay arrintan oo kale dhacdo, waxaa lagu cilaajiyaa sida qur’aanku cadeeyey sidatan:

g2

Kuwa haweenkooda kala mid dhiga hooyadood haddana ku noqonaya «haweenkii» waxaa ku waajib ah qoor xoraynteed intayan istaaban, Arrintaasi waa waano, Ilaahayna waxa dadku camal fali waa ogyahay.

Hadduusan awoodin sida aayaddan caddeyneyso  waxaa u bannaan:

g3

Ruuxaan helin qoor uu xoreeyo wuxuu soomayaa Laba Bilood oo israacsan intayan istaaban, ciddiise aan karin soonka wuxuu quudin Lixdan miskiin, arrintu waa saas si aad Alle u rumeysaan iyo Rasuulkiisa, taasina waa xuduuddii Ilaahay Gaalase waxaa u sugnaaday Cadaab kulul.

Halkaas waxaa nooga cad in Dihaarka iyo Dhaqaalaqaba u yahay xukun ka soo fuli kara dhinaca ragga oo kaliya, dumarkuna aysan wax shaqo ah ku lahayn, haweeneyduna aysan ninkeeda furi Karin islamarkaana oran Karin hooyadey baad iga tahay.

Waxaa laga soo reebaa in marka haweeneydu ku tiraahdo odaygeeda “Aabbahay baad iga tahay” in ninku wax shaqo ah uusan ku lahayn balse iyada laga rabo kafaaratu yamiin oo ah kafaarada dhaarta oo ah in la quudiyo 10 masaakiin ama la arad tiro ama qoor la xoreeyo, intaas ciddii aan heli karinna saddex maalmood soonto sida ay aayadda ku jirto suuratu maa’ida  noo caddeyneyso:

g4

Intaasi waxaan uga golleeyahay in maamul goboleed uu hoos yimaado Dowladda islamarkaana uusan xiriir u jari Karin dawlad qarameed, waayoo maaha labada dawladood oo xiriir isu jari kara, sidaasi darted hadalkii Gaas wax ka so qaad ma laha, waxaana laga rabaa inuu ka cudur daarto haddii ay aqoon darri xagga qaanuunka dowladnimo u geysay.

Sidaasi darted Dowladda Federaalka waa inay garataa Mas’uuliyaddeeda, arrimahan oo kale ee soo noqnodana ay tallaabo ku habboon ka qaaddaa, mowqif adagna ka istaagtaa, kafaaradana aysan iyadu bixin oo aysan la imaan madax salaax meeqaanka ka qaadayo.

Tallaabooyinka ay qaadi karto waxaa ka mid ah:

1)     in Maamul-goboleedyada jira iyo kuwa soo socda aysan yeelan awood la mid ah tan dowladda.

2)    In eray bixinta ah in Maamul goboleed yeesho Madaxweyne la joojiyo balse lagu magacaabo Guddoomiye( Governor ).

3)    In madaxda maamul goboleedyada aan loo oggolaan inay xiriir toos ah la yeeshaan Madaxda caalamka iyagoo aan haysan oggolaanshaha Dowladda Federaalka ama waxa loo yaqaan Verbal Note.

4)    In Madaxda Caalamka aysan xiriir toos ah la yeelan Madaxda maamul goboleedyada oggolaansho la’aan.

5)    In xildhibaannada ama wasiirrada u hoggaansama baaqyada Madaxda maamul goboleedyada iyo Madax dhaqameedyada laga qaado tallaabo sharci ah oo lagu anshax marinayo.

Haddii intaasi la waayo arrintu ka bixi meyso xarig jiid, dowladnimadii iyo qaranimadii aan higsaneynayna waxay ku biyo shubaneysaa  maamul qabiileed hoos yimaada dalalka deriska ah.

W.Q Cabdikarim Xaaji Yuusuf

dulqarnayn114@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid