VIDEO: CHOPRA, xiriiriyaha kooxda QM oo lagu dheggan yahay‏ (Maxaa cusub)

Soomaaliya waxay soo martay dagaal sokeeye oo ay ku soo jirtay muddo ka badan 23 sano, waxana colaadda ku nafwaayey dad fara badan, ku curyaamay, ku barakay gudaha, una qaxay dibadaha oo weli ku sugan.

Waxa dadka Soomaaliyeed u baahnaay in loo gurmado dhan kasta iyo waddo kasta oo lagu soo celinaayo nolol caadi ah oo ku wajahan xallinta dhibaatada Soomaalidu ku qabaan gudaha iyo dibedda dalka.

Waxan u heystey, welina u heystaa in xilka ugu weyn ee arrintaas saaranyahay dhammaan hey’adaha qaramada midoobay, golaha ammaanka gaar ahaan, waxase shir jaraa’id oo uu qabtay qareen ka socday Shulman Rogers sheegay in kooxda la socodka hubka Soomaaliya iyo Eritrea si dadban ugu soo rogtay cunaqabatayn Soomaaliya, waxayna kooxda kormeerka hubku sheegtay in aan Soomaaliya la siin Karin dhaqaale si ay cagaheeda ugu istaagto, wixii la siinayana loo mariyo hey’adaha caalamiga, iyada oo ay sababtu tahay bay tiri kooxdu laaluushka iyo musuqmaasuqa ka jira dey’adaha qaranka Soomaaliyeed daradeed.

Waxan shirka jaraa’id ka dheehday awood xad dhaaf ah ee uu adeegsaday “Chopra,” xiriiriyaha kooxda la socodka iyo kormeerka hubka Soomaaliya iyo Eritrea, xiriiriyahaas oo xubnaha golaha ammaanka ka dhaadhiciyey in aan Soomaaliya laga qaadin cunaqabataynta, dhaqaalahana loo marsiiyo hey’adaha caalamiga ah, waxanan u arkaa in arrinta curyaaminta dhaqaalaha la mid tahay cunaqabataynta hubka.

Waxa shirka jaraa’id lagu sheegay in warbixinnada uu xiriiriyaha kooxda qaramada midoobay ku sheegay musuqmaasuqa ka jira Soomaaliya yihiin kuwo la mala awaalay oo aan raad lahayn, mana jiraan waxyaabo la taaban karo oo caddaynaya edeeymaha loo jeediyey hey’adda uu qareenku ka tirsanyahay ama ka socday ee Shulman Rogers.

Waxa kale oo shirka jaraaid lagu sheegay in qoraallada ku saabsan Soomaaliya sannadkiiba mar la qoro, laakin ay dhammantood isku egyihiin oo aan wax yaabo kala duwan ku jirin, waxana la sheegay in marka laga billaabo manta ay dacwad sugayso xiriiriyaha oo laga doonayo in uu waxa uu sheegay ka bixiyo caddaymo, waxana la tuhunsanyahay in xiriiriyuhu ku hawlan yahay arrimo kale oo u gaar ah oo uusan golaha ammanku la socon, ayaa lagu yiri shirka jaraa’id.

Waxan is weydiiyey waxa ku jaban in ciddii soo celinayso hanti Soomaaliyeed oo ku dhex maqan hey’adaha maaliyeed ee dunida, iyo in dawladda Soomaaliyeed lala galo heshiis la xiriira soo dhicinta hantidaas maqan, waxanan meesha ka marnayn in dawladda federaalka Soomaaliyeed lagu yeesho khidmadaha la xiriira shaqooyinka loo qabanayo. Dabcan, waxa caado ah in qofkii meel ku raagaba u qaato in uu iska leeyahay hey’adda uu madaxda ka yahay, waxana ii muuqata in sarkaalka xiriiriyaha u ah kooxda kormeerka iyo la socodka hubka Soomaaliya iyo Eritrea la baxay baar aan la gaabin Karin. Si kastaba ha ahaatee, waxay Soomaalidu ku mah-maahdaa ”Geeloow daaq oo daaq ee markaad ciin daaqdo baa laguu yaabaa.”

Wabillaahi Towfiiq
Qore: Prof. Axmed M. Warfa, PhD
Utah, USA