Sii hayaha Safaarada Somalia ee Suuriya oo wax lala yaabo sameeyay.

Sii hayaha Safaaradda Soomaalida ee Suuriya oo laga cabanayo!

Safaaradda Soomaalidu ku leedahay dalka Suuriya ayaa la soo baxday dhaqan aad looga yabay, ee ay kula kacday Soomaalida deggan dalka Suuriya, oo maraya marxalad adag, ka dib markii ay ka billowdeen dagaallo sokeeye sannadkii la soo dhaafay walina ay socdan.

Mudane lagu magacaabo Bashiir Ibraahim Xaaji Cismaan, oo ah Sii Hayaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Suuriya, sanadkii 2010 bishii todobaad, ayaa markii uu yimid dalka Suuriya wuxuu billaabay inuu shaqada ka cayriyo shaqaalihii ka tirsanaa Safaaradda, oo ka soo shaqaynayey mudadi dheereed ee burburka lagu jiray.

Dadka uu shaqada ka raacdeeyey waxaa ka mid ah Maxamuud Muuse Tareey, Maxamed Xasan Tareey iyo Gabar Suuriyaan ah oo ka shaqaynaysay Safaaradda Soomaaliya in ka badan 26 sano oo lagu magacaabo Umu Maxamed.

Shaqaalaha horay Safaaradda uga shaqayn jiray waxaa ka mid ah Dr: C/raxmaan C/qaadir Sheekh Maxamuud, lana shaqayn jiray Safiirkii hore ee ku geeriyooday wadankaa. Ka dib markii uu dacwad ku furay mudanaha kor ku xusan iyo Maxamed Cumar C/maalik, oo Jaaliyadda Soomaaliyeed u qaabilsasna Warfaafinta, isagoo ku eedeeyey inay qayb ka yihiin kooxo Soomaalida ka soo Tahriibiya Wadanka Lubnan, soona mariya Suuriya una sii gudbiya Dalka Turkiga, si ay u sii galaan Yurub, kuna qasba tahriibayaasha in ay hub ka soo qaadaan Lubnaan soona geliyaan dalka Suuriya oo hadda dagaal ka socdo waa siduu warka u dhigay mudane Bashiir.

Maxamed Cumar C/maalik wuxuu iminka u xayiran yahay warqadda been abuurka ka ah ee uu qoray Mudane Bashiir, isagoo xaq u leh inuu ka dhoofo wadanka Suuriyo, uuna hadda haysto dal ku gal waddanka Maraykanka, waqti yarna u harsan yahay oo ay ka dhici rabto visaha( visuhu waxuu ka dhacayaa 08/11/2012).

Markuu C/qaadir ogaaday ayuu Dawladda Soomaaliya ku wargaliyey, loona soo qoray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suuriya Warqad, oo ay ku caddahay in aysan waxba ka jirin warka uu ku doodayo Mudane Bashiir.

Waxaa kale oo naxariis darada mudane bashiir ka mid ah inuu dad Soomaaliyeed u tarxiiley Soomaaliya sida warqadaha ku cad.
Dhanka kale, mudane Bashiir isaga qudhiisa ayaaba reerkiisa u Tahriibayey dalka Sweden isla sanadkan guduhiisa, soona marsiiyey isla jidka ay soo maraan Soomaalidu ee ah Turky, Giriigga, Talyaaniga.

Dhibkan oo kale ma ahan markii u horreeyey ee ka dhaca Safaarad Soomaaliyeed, waxayse noqotay dhacdooyin soo laalaabta, kana dhacay dalalka Masar, Libya, China, Talyaaniga IQB.

Intaa waxaa sii dheer in ay jiraan Safiiro dadka Soomaaliyeed ka ganacsada, oo ka qaato madax furasho si ay xabsiyada uga soo daayaan, Sida uu ku caan baxay mudane C/xakiim Cali Yaasiin, oo hadda danjire ka ah dalka Tanzania, horana uga soo ahaa dalka Libya, Bashiir Ibraahim Xaaji Cismaan ee ah Sii hayaha Safaaradda Soomaldia ee Suuriya iyo Safiirka Soomaalida u fadhiya dalka Turkiga Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan.

Sidoo kale, safaaradaha Soomaalidu waxay gataan deeqaha waxbarasho ee loogu deeqo Ardada Soomaaliyeed.