Siidii oo shaaciyey qorshe cusub oo ay DFS ka damacan tahay Sh/Hoose

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose, Cabduqaadir Maxamed Nuur ‘Siidii’ ayaa ka hadlay dagaalo ka socda gobalka Shabeellaha Hoose.

Isagoo la hadlaayay wariyaasha maanta kaddib markii uu soo gaaray Muqdisho ayuu sheegay in dowladda ay u ballan qaaday in ciidamo AMISOM ay dhexdhigto maleeshiyo beeleedka ku dagaalamaya deeganno hoos-taga gobalka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiye Siidii ayaa soo dhaweeyay hadalka madaxweynaha uu saakay jeediyay ee in dagaalada si degdeg ah loo joojiyo balse wuxuu yiri waxaa loo baahan in af lee lagu ekaan oo ficil uu sameeyo madaxweynaha.

Ugu dambeyn guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay ee xaley iyo saakay ka dhacay deeganka lambar 50 ay ku dhinteen ilaa 10-ruux tiro kalena ay ku dhaawacmeen sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan ay lahaayeen waxgaradka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda labada dhinac ee ku dagaalamaya Shabeellaha Hoose, waxaana kulankooda ay ka soo saareen in dagaalada si degdeg ah loo joojiyo wax yaabaha la isku heestana la dhammeeyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com