Siilaanyo oo go’aankiisa ku dhowaaqay

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne oo mar labaad ka qeybgali doona doorashada sannadka danbe Somaliland ka dhici doonta.

Guddoomiyhaa xisbiga talada haya Muse Biixi oo madaxweynaha uu khilaaf kala dhaxeeyo ayaa isagu horey ugu dhawaaqay inuu yahay musharaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye.

Siilaanyo ayaa sheegay in dastuurka u yaalla maamulka Somaliland uu dhigayo in mar labaad uu isu soo taagi karo xilka madaxweynennimo ee maamulka.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Siilaanyo waxa uu xusay in uu ka xun yahay khilaafka soo kala dhex galay mas’uuliyiinta xisbiga Kulmiye, isagoo tilmaamay in guddi loo saaray turxaan-bixinta khilaafkaas.

Siilaanyo ayaa dhanka kale shacabka u soo jeediyay in ay ka shaqeeyaan nabadgelyada, isagoo cambaareeyay qaraxyo dhowaan ka dhacay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Dhanka kale, waxaa la baajiyay shirar ay Hargeysa ku qaban lahaayeen labada garab ee uu u kala jabay xisbiga Kulmiye, kaddib waan-waan ay labada dhinac ka dhexwadeen golaha guurtida.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com