R/W Cabdi Weli oo si ka duwan XASAN Sheekh uga hadlay khilaaafka

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa sheegay inuusan jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

War qoraal ah oo soo dhigay Boggiisa Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayuu ku beeniyey wararka la xiriira khilaafka, inkasta oo xitta madaxweynaha uu qiray jiritaanka khilaafka.

“Iyadoo qaar ka mid ah bogaga internetka iyo baraha xiriirka bulshadu ay maalmahan daabacayeen warar aan sal lahayn oo sheegaya in uu jiro khilaaf ku salaysan isku-shaandhaynta Golaha Wasiirrada. Haddaba, Anigoo ku hadlaya afka Xukuumadda waxaan idiin caddaynayaa in aanu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.Labada Masuul ee Qaran waxay si dhow oo wada jir ah mar kasta ugu taagan yihiin u adeegista dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Guul Soomaaliya oo Nabad iyo Barwaaqa ku waarta” ayaa lagu yiri war lagu qoray bogga uu ku leeyahay Facebooga Afhayeenka Xukuumadda.

Khilaafka Xasan iyo Cabdi Weli ayaa waxaa sidoo kale digniin kasoo saaray beesha caalamka oo sheegtay inuu wiiqayo hore u socoshadii dowladda federaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com