Xildhibaannada la baxay FIVE MAY oo digniin culus u diray beesha caalamka

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta ku shiray xildhibaanno madaxweynaha ka codsaday in uu iscasilo, waxaana ay baaq u jeediyeen beesha caalamka gaar ahaan Qaramada Midoobay iyo urur gobaleedka IGAD.

Xildhibaannada oo la baxay Five May oo ka dhigan baaqii ay soo saareen shantii bishan ee ku aadanaa in uu madaxweynaha is casilo kaddib markii uu ku fashilmay wax yaabihii loo doortay sidda ay yiraahdeen.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo horrey u soo noqday wasiirka dastuurka ayaa ka sheegay kulanka in Soomaaliya ay ka gudubtay xilligii dibadda laga maamuli jirtay, wuxuuna sheegay in baarlamaanka uu awood u lee yahay in uu xaliyo khilaaf kasta oo ka dhex dhesha madaxda dowladda.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale tilmaamay in wixii ka dambeeyay 2oo0 uu oo dalka ku jiray xilli kumeel gaar ah inta badan siyaasadda laga maamulu jiray dibedda balse hadda laga baxay arrintaas oo “Waa la qaan gaaray” ayuu yiri.

Xoosho Jibriil ayaa ku tilmaamay warqadda ka soo baxday IGAD, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub in uu u egyahay kii Kampala A cord kaasoo faragalin dibedda laga keenay ahaa.

Sidoo kale, xildhibaan Cabdulaahi Sheekh Ismaacil oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in beesha caalamka looga baahan yahay in ay joojiyaan faragalinta arrimaha siyaasadda ee ka taagan dowladda .

Wuxuu sheegay beesha calaamka in ay markata faragalin ku heyso arrimaha siyaasadda dalka.

“Caalamka marka khilaaf uu soo kala dhex galo madaxda waxaa xal ka gaara iyaga uun balse Soomaaliya wa aay ka badalan tahay oo marka uu khilaaf ka dhaco waxaa xaliyay beesha caalamka, annaga iyo madaxwweynaha khilaafka noo dhexeeya waxaa xal ka gaari kara baarlamaanka” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in khilaafkooda lagu xalin doono uun xarunta baarlamaanka oo ah meesha lagu kala baxaayo.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay wasiirkii horre arrimaha dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, wuxuuna beesha calaamka ka cosaday in ay Soomaalida isku daayaan khilaafkooda in ay xalistaan.

Hadalka xildhibaannada maanta ku shiray Muqdisho ayaa imaanaya iyadoo dhawaan warqad wadajir uga soo baxday Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo IGAD loogu baaqay madaxda dowladda in xal ka gaaraan khilaafka ka dhexeeya baarlamaanka iyo madaxweynaha si loo gaaro hiigsiga 2016-ka oo la rabo in dalka ay ka dhacdo afti dadweyne.

Hadallada xildhibaannada ayaa laga dhex fahmi karaa in uu jirro dedaalo beesha caalamka ay ku dooneyso in ay ku qaboojiso xiisada ka aloosan xubno ka tirsan baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com