QM oo ka digtay shidaal la sheegay in dhowaan laga qodayo gobollada…

Nairobi (aasimada Online) – Guddiga QM ugu qaabilsan cunaqabataynta hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea, waxay bishan May 27-dii qoraal u direen Golaha Ammaanka ee QM, oo ay kaga digayaan qorshaha Maamulka Somaliland ku doonayaan in Ciiddamo Khaas ah loo soo daad-gureeyo si ay u ilaaliyaan Shirkadaha shisheeyaha ee shidaalka ka baarayo Goballadda Woqooyi galbeed ee Somalia.

Xiriiriyaha Kooxda QMee Kormeerka cunaqabataynta Hubka saaran dalalka Somalia iyo Eritrea, Jarat Chopra oo qoray Warbixinta loo gudbiyey Golaha Ammaanka ee QM ayaa ka digay in shidaal la qodo Somaliland oo qeyb ka ah Somalia ay horseedi karto inay dagalladdii ugu xumaa ka dhacaan Geeska Afrika.

Wakaalladda Wararka ee REUTERS oo heshay nuqul ka mid ah Qoraalka Kooxda QM ee cunaqabataynta hubka, ayaa lagu xusay haddii ilaalo loo daad-gureeyo shirkaddaha shidaalka inay taasi kaalin ka ciyaari karto dagaal dhex mara Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedka amaba Maamul-gobaleedyadda kale dhexdooda..

Khubaradda QM ee Kormeerka xayiraadda hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea waxay bishii July ee sannadkii hore sheegeen in shirkadaha reer galbeedka ee shidaalka ka sahminayo deegaannadda lagu murunsan yahay ee Somaliaay horseedi karaa inay dagaallo badan ka dhacaan gudaha dalka Somalia.

Somaliland ayaa qorsheynayso inay 420-Askari ilaalo ahaan u diyaariyaan iyo inay qalab Milliteri dibedda ka soo iibsadaan.

Maamulayaasha Somaliland waxay 23-sanno ka hor ku dhawaaqeen inay ka go’een Goballadda kale ee dalka Jahuuriyadda Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com