Kulanka BF Somalia oo baaqday & mid kale oo ka furmay Villa Hargeysa

Muqdisho (Caasimada Online)-Fadhigga Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu waday maanta in uu dib u furmo ayaa baaqday iyadoona la soo sheegayo in guddiyada baarlamaanka uu shir uga soco xarunta Villa Hargeysa oo uu deggan yahay guddoomiyaha baarlamaanka.

Si dhab ah looma oga wax yaabaha sababta u ah in uu baaqdo kulanka baarlamaanka, balse waxaa xildhibaanno la hadlay Caasimada Online ay lee yihiin kulanka wuxuu u baaqday iyadoo xarunta baarlamaanka uu ka socdo dhismo oo waxaa dib loo hagaajinayaa goobo ku burburay weerarkii Sabtii la soo dhaafay ka dhacay xarunta.

Xarunta baarlamaanka ayaa la dhigay ciidamo fara badan, waxaana la xiray waddooyinka soo gala dhismaha baarlamaanka wixii ka dambeeyay weerarkii

In ka badan shan saac ayuu weerarka socday, waxaana ku dhintay dad u badan askarta ciidamada dowladda waxaa ku dhintay seddax ka tirsan ciidamada AMISOM.

Weerarkaas waxaa kaloo ku dhaawacmay seddax xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya kuwaasoo loo qaaday dalka Turkiga si loogu soo daaweeyo.

Wixii ka dambeeyay weerarkaas xildhibaannada baarlamaanka ayaa walwal xooggan ka muujiyay ammaanka xarunta baarlamaanka oo ka mid ah meelaha sidda weyn loo waardiyeeyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdidho

Caasimada@live.com