Xog: Xasan iyo Cabdi Weli oo mooshin iska kala diyaarinaya iyo lacag caqli ka bax oo codkiiba lagu kala iibsanayo

MuqdishoWarar cusub oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed uu si toos ah ugu biiray olole ay wadaan xildhibaanno diidan madaxweynaha oo doonaya in xilka laga qaado.

Xildhibaanada diidan madaxweynaha ayaa Kulamo gaar ah maalmihii lasoo dhaafay ku lahaa Hoteelo ku yaalla Magaalada Muqdisho, si ay dib ugu soo nooleeyaan olole xilka looga qaadayo madaxweynaha Soomaaliya

Xildhibaanada qaarkood ayaa ah kuwa taageersan ra’iisul wasaare Cabdi Weli, oo iskiis uga cabsi qaba inay taageerayaasha Xasan Sheekh ay xilka ka qaadaan, kuwaasi oo si gooni ah dhankoodna uga diyaarinaya mooshin.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in wali ay ku howlan yihiin diyaarinta Mooshinka lagu ridayo Madaxweynaha Soomaaliya, waxa uuna intaa raaciyay inay rajo ka qabaan sidii ay uga guuleysan lahaayeen in mooshin la geeyo baarlamanka.

Sidoo kale xildhibaanno madaxweynaha taageersan ayaa iyaguna kullamo ka wada magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ayaga oo diyaarinaya mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed.

“Dagaalka labada mas’uul ayaa hadda u muuqda mid isugu soo biya shuban doono cidii lacag badisaa, islamarkaana heshaa xildhibaannada ugu badan” ayuu xildhibaan xog-ogaal ah u sheegay Caasimada Online.

Waxa kale oo uu sheegay inuusan la yaabi dooni haddii codkiiba lagu kala gato 20 illaa 30 kun oo dollar.

Ra’iisul wasaare Cabdi Weli ayaa la rumeysan yahay inuu taageero maaliyadeed ka helayo Puntland, maamulka Axmed Madoobe iyo Kenya, oo dhammaantood doonaya in Xasan Sheekh uu meesha ka baxo, ayada oo aanay qasab ahayn inay jecel yihiin Cabdi Weli.

Ra’iisul wasaaraha ayaa og in haddii madaxweynaha xilka waayo isna uu weyn doono, hase yeeshee xildhibaanno ku dhow ayaa sheegaya in ujeedkiisu yahay in Xasan Sheekh uusan ka adkaan uuna doonayo inay isla baxaan.

Xildhibaanadii horey u diidanaa madaxweynaha ayaa badankood la kala furfuray, waxaana hadda socda dadaallo dib la isugu ururinayo, mana cadda sida loogu guuleysan doono.

Dadkii laga sugayey inay Soomaaliya dhibka ka saaraan, ayaa howshoosa noqotao khilaaf iyo mooshin aan dhammaan oo dowlad kasta waqtigeeda uu ku dhammaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com