Xog: Sababta loo xiray Gen Cabdullahi Xasan Bariise oo la ogaaday (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya macluumaad la xiriira ujeedadii ka dambeysay, in Taliska Booliska Soomaaliya uu xabsi guri geliyo Taliyaha Hogaanka Saadka ee Ciidamada Booliska General C/laahi Xasan Bariise.

Taliyaha, ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu dayacay Ciidamadii Ilaalada ee Xarunta Golaha Shacabka, oo la sheegay in uu dhegaha ka fureystay in uu siiyo hub iyo rasaas ay u baahnaayeen, ka hor intii aan la weerarin Sabtidii hore.

Xarunta Golaha Shacabka waxaa ka hawlgaleysay 107 askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska, 45 oo kaliya, ayaa la xaqiijiyay inay hub iyo rasaas ka heysteen, halka intii kalana aynaan heysan.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee Soomaaliya General C/xakiin Daahir Saciid (Saacid), ayaa warqad u qoray General C/laahi Xasan Bariise, si uu u hubeeyo Ciidamadii aan hubka iyo rasaastuba heysan.

Sarkaal ka tirsan Booliska, ayaa ku waramaaya in General C/laahi Xasan Bariise, uu iska indha tiray warqadii uu u soo qoray Taliyaha Ciidanka Booliska.

General Bariise oo ku sugan hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ku gadaamsan Ciidan Boolis ah, iyadoo la amray inaanu hoygiisu ka soo bixin, isla-markaana aanu wax shaqo ah qaban, ilaa amar dambe.

Bariise, ayaa hal habeen ka hor Idaacadaha Magaalada Muqdisho qaarkood u sheegay, inuusan waxba kala socon waxa keenay xabsi guriga lagu haayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com