Xog: Xiriirka DFS iyo Beesha Caalamka oo dhulka tagay (Dhaqalihi oo la jaray)

Muqdisho (Caasimada Online) – Todobaadkan ayey ahayd markii ay si wadajir ah warsaxaafadeed uga soo saareen xaalada Soomaaliya UN-ka, Midowga Yurub iyo IGAD oo markii ugu horeysay si toos ah uga hadlay khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha.

Ururada Beesha Caalamka ee taageera Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujiyey wakhtigii loo qabtay dib u eegista Dastuurka iyo dhismaha Nidaamka Federaalka inuu dib u dhac weyn ku yimid. Sidoo kale diyaarinta Doorashadii 2016 ayaa ah mid aan weli la bilaabin isla markaana dib u dhac weyn ku jirto.

Warsaxaafadeedkii 27kii bishan May kasoo baxay sadexda urur ee UN-ka, Midowga Yurub iyo IGAD ayaa loogu baaqay hogaamiyayaasha dowlada Federaalka in isqab qabsiga dhexdooda ah ka waantoobaan isla markaana la yimaadaan adeeg iyo shaqowanaag ku socda wakhtigii loogu talo galay.

Si gaar ah ayaa Raysalwasaaraha Soomaaliya loogu baaqay inuu qaado tilaabooyinka ku aadan xoojinta amaanka iyo dib u habeynta dowlada, halka Madaxweynaha dadaalkiisa lagu sheegay mid ay Beesha Caalamka soo dhaweenayso, balse looga baahan yahay hay’ad walba inay ku ekaato awoodeeda Dastuurka siinayo, iyadoo loola jeedo Baarlamaanka, Xafiiska Madaxweynaha iyo Xukuumada.

Baaqan oo kusoo beegmay sadex maalin kadib weerarkii lagu qaaday Baarlamaanka Federaalka ee Muqdisho ayaa ahaa mid sidoo kale kusoo beegmay xili uu xiriirka Beesha Caalamka iyo federaalka madaxdiisa uu sii xumaanayo.

Arrintan ayaa salka ku heyso caqabadaha ka dhextaagan dowlada Federaalka oo ay ugu horeyso Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha oo ku kala aragti duwan xalka iyo wax ka bedalka nidaamka ay Xukuumada ku shaqeyso. Khilaafka ugu weyn ayaa ka taagan dhanka Wasiirada iyo xubnaha lasoo xulayo.

Xubno xog ogaal ah oo kamid ah Xukuumada oo ka gaabsaday magacooda in la sheego ayaa xaqiijiyey in hoos u dhac weyn ku yimid dhaqaalihii Beesha Caalamka usoo gudbin jirtay dowlada Federaalka arrimahaasi oo la xariira inaan wax weyn weli laga bedalin hay’adaha dhaqaalaha iyo maamulka oo horey loogu baaqay madaxda dowlada inay wax badan ka bedalaan.

“….Sanadkan 2014 ayaa loo qabtay madaxda dowlada inay la yimaadaan isbedal dhab ah, hadii aysan taasi dhicina Beesha Caalamka waxay sheegtay in fashil ay ku socoto doorashada 2016 iyo hirgelinta Nidaamka Federaalka, arrimahaasi oo loo aaneenayo Wasaaradaha dowlada oo qabsan hawshii looga fadhiyey, dabcan taasi saameyn toos ah bay ku yeelan doontaa dhaqaalihii Dowlada Soomaaliya lasiin jiray…”ayuu yiri mid kamid ah Hawlwadeenada Wasaarada Maaliyada oo u waramay Horseed Media.

Illaa iyo hada waxaan cadeyn in xal loo heli doono khilaafka awooda dowlada ee ka dhex taagan Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha, arrintaasi oo ah mid soo jireen ah oo caqabad ku noqotay dowladihii kumeel gaarka ahaa iyo kuwii Federaalka tan iyo sanadkii 2000, sida lagu sheegay Warsaxaafadeedkii Beesha Caalamka soo saartay todobaadkan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com