Dhageyso: FAARAX C/qaadir oo DFS ka fogeeyey eedaha Puntland ee ah in…

Wasiirka Wasaarada Cadaalada & Dastuurka Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, ayaa wuxuu beeniyay doodaha maamulka Puntland ee ku saabsan in dowladda Soomaaliya ee madaxweyne Xasan Sheekh ay beddeshay dastuurka dalka.

Wasiirka, ayaa wuxuu qiray in Baarlamaanka Somaliya uu wax ka bedel ku sameeyay qodobada Dastuurka qaarkood, laakiin aanu wada bedelin gebi ahaanba nuqulada Dastuurka.

Wasiirka wuxuu tilmaamay waxa keenay in isbedel lagu sameeyo qodobada Dastuurka qaarkood, uu yahay mid ka horeeyay jiritaanka Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla-markaana uu Baarlamaanka horey go’aan ugu gaaray in dib loo dhigo qodobada qaar ee Dastuurka. Taana ay tahay midda keentay in dadka qaar ay u fasirtaan in la bedelay Dastuurkii Qabyo Qoraalka.

Sidoo kale waxa uu qeexay marka aad dib u milicsato daabacida Dastuurka Soomaaliya, in uu yahay mid ka horeeyay Dhismaha Xukuumada iyo Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya (10 September 2012).

Wasiir Faarax, ayaa xusay in qodobada la bedelay ee Dastuurka ka dhasheen, talooyin farsamo u badnaa oo ka yimid Gole-yaashii Ergada iyo Baarlamaanka.

Halkan ka dhageyso Faarax