Dr. Macow oo laga duubay cajal uu ku weyn karo shaqadiisa (Sidee loo siray)

London (Caasimada Online) – Dhakhtarka caanka ah ee Soomaaliyeed ee xarumaha caafimaadka ku leh dalka Ingiriiska Dr.Cali Macow Aweys ayaa baaritaan lagu sameenayaa kadib markii laga duubay cajalad qarsoodi ah isagoo ka hadlaya Gudniinka Gabdhaha oo mamnuuc ka ah dalka Ingiriiska.

Dhakhtarka ayaa waxaa helay suxufi si qarsoodi ah uga duubtay cajalad iyadoo iska dhigeysa haweenay dooneysa inay gudo gabdho ay eedo u tahay, waxaana cajaladan laga duubay dhakhtar Macow oo sida la sheegay sharaxaya sida uu haweenaydaasi u caawin karo in la gudo gabhahaasi.

Booliiska Ingiriiska ayaa wareysi la yeeshay Dhakhtarka oo lasii daayey wallow ay hada guddiga caafimaadka ee dalka Ingiriiska fadhi ka yeelan doonaan in Dhakhtarka ruqsada lagala noqdo.

Dr.Macow ayaa beeniyey inuu sameeyo wax gudniin ah isla markaana sheegay inuusan haweenaydaasi cajalada ka duubtay uusan waxna u balan qaadin, balse cajaladan oo aan weli la shaacin ayaa la sheegay inuu ka muuqdo dhakhtarka oo sawiraya habka gudniinka Fircooniga loo sameeyo.

Dhakhtar Macow ayaa labo xarun caafimaad ku kala leh caasimada labaad ee Birmingham iyo Waqooyiga magaalada London, ayaa sidan oo kale horey baaritaan loogu sameeyey sanadkii 2012 xiligaasi oo suxufiyiin isqarinaya warbixin uga qoreen taasi oo lagu soo daabacay jariirada Sunday Times.

Guddiga qaabilsan kormeerka Dhakhaatiirta ayaa Talaadadii lasoo dhaafay 27 May, loo soo bandhigay cajaladii laga duubay iyo xiriirkii Talefoonka ee dhexmaray haweenaydaasi iyo dhakhtarka.

Waxaa sidoo kale dhakhtarka lagu heystaa inuusan haweenaydan ka dhaadhicin inaysan gudin gabdhaha balse uu talo kusiiyey inay wadan kale gudniinka kusoo sameyso, xili uu dhakhtarka ogyahay in Gudniinka mamnuuc ka yahay dalka UK, sidaa ayaa lagu qoray jariirada Daily Mail oo daabacday warbixin dhacdadan la xariirta.

Caasimada Online

Xafiiska London

Caasimada@live.com