BASHIIR GOOBE oo dil ka bad baaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa wuxuu habeenimadii xalay ahayd uu ka badbaaday qarax xoogan oo ka dhacay, agagaaraha Hotel City Palace ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa lala eegtay gaadiid ay la socdeen Taliyaha Nabad Suggida iyo xubno kale, oo markaasi ka soo baxay Hotel City Palace, inkastoo uu Taliyuhu ka badbaaday weerarkaasi.

Waxaa jira warar sheegaaya in gaariga qaraxa loo adeegsaday uu la socday nin naftii hurre ahaa, isla-markaana uu qal qalay markii uu wajahay gaadiidkii ay la socdeen Masuuliyiintii uu horkacaayay Taliyaha Nabad Suggida, halka wararka qaarna ay sheegayaan in gaariga la soo dhigay meel ku dhow Hotel City Palace.

Qaraxa kadib, ayay Ciidamada Ilaalada ee Taliyaha Nabad Suggida dhowr jiho u furayn rasaas aynaan u meel deyin, inkastoo aan si sax ah loo xaqiijin haddii ay waxyeelo ka dhalatay iyo haddii kalaba.

Weerarkaan waxaa ku dhintay hal askari oo kaliya, halka laba ruux oo shacab ahna la xaqiijiyay in ay ku dhaawacantay, iyadoo askariga dhintay uu u geeriyodoay, dhaawac culus oo ka soo gaaray qaraxa.

Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida oo ka badbaaday dil qorsheysan
Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa wuxuu habeenimadii xalay ahayd uu ka badbaaday qarax xoogan oo ka dhacay, agagaaraha Hotel City Palace ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa lala eegtay gaadiid ay la socdeen Taliyaha Nabad Suggida iyo xubno kale, oo markaasi ka soo baxay Hotel City Palace, inkastoo uu Taliyuhu ka badbaaday weerarkaasi.

Waxaa jira warar sheegaaya in gaariga qaraxa loo adeegsaday uu la socday nin naftii hurre ahaa, isla-markaana uu qal qalay markii uu wajahay gaadiidkii ay la socdeen Masuuliyiintii uu horkacaayay Taliyaha Nabad Suggida, halka wararka qaarna ay sheegayaan in gaariga la soo dhigay meel ku dhow Hotel City Palace.

Qaraxa kadib, ayay Ciidamada Ilaalada ee Taliyaha Nabad Suggida dhowr jiho u furayn rasaas aynaan u meel deyin, inkastoo aan si sax ah loo xaqiijin haddii ay waxyeelo ka dhalatay iyo haddii kalaba.

Weerarkaan waxaa ku dhintay hal askari oo kaliya, halka laba ruux oo shacab ahna la xaqiijiyay in ay ku dhaawacantay, iyadoo askariga dhintay uu u geeriyodoay, dhaawac culus oo ka soo gaaray qaraxa.
Taliyaha Nabad Suggida Soomaaliya

General Bashiir Maxamed Jaamac waxaa la socotay markii qaraxa uu dhacaayay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida ee Soomaaliya.

General Bashiir Goobe iyo xubnihi kale ee la socday, ayaa ka soo baxay shir gaar ah oo ay xalay ku lahaayeen Hotel City Palace, iyadoo ay kaga hadlayeen arrimaha ammaanka, waxaana shirka ka soo muuqday Kaaliyaha Taliyaha Nabad Suggida Khaliif Axmed Ereg, Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), Ku Xigeenkiisa Cabdi Dheere iyo xubno kale.

Dhanka kale Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa ku waramaaya in arrinta layaabka leh ay tahay sida lagu ogaaday shirka gaarka ah, ee Saraakiisha ammaanka uga socday Hotel City Palace iyo sida sahalka leh ee weerarka lagu soo diyaariyay.

Si kastaba ha-ahaatee waxaan ilaa iyo hadda jirin cid si rasmi ah u sheegatay weerarka uu ka badbaaday Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida Qaranka General Bashiir Maxamed Jaamac.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com