Sawirro: Muungaab oo Muqdisho ku soo dhaweeyay dhigiisa Baden, Swiss

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahana duqa Muqdisho, Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa maanta oo Jimco ah xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowlada Switzerland oo uu hoggaaminaayo duqa magaalada Baden, Geri Muller.

Labada mas’uul ayaa kulan gaar ah ku qaatay xarunta cusub ee gobalka Banaadir oo ku taalla degmada Heliwaa, waxaana ay si gaar ah uga hadleen in labada magaalo ay yeeshaan xiriir dheer oo ku saabsan siddii ay u wadashaqeen lahaayeen.

Waxaa kaloo kulanka lagu soo hadal qaaday in magaalada Baden ee dalka Switzerland ay ka qeyb qaato dib-u-dhiska iyo horrumarinta caasimada Muqdisho oo muddo ka badan 20 sanno dagaallo ku jirtay.

Markii uu kulankooda soo dhammaaday waxay la hadleen saxaafadda, waxaana duqa Muqdisho uu sheegay in uu ku faraxsan yahay wafdi uu hoggaaminaayo dhiggiisa Baden Mr.Muller.

Dhiniciisa Geri Muller oo ah duqa magaalda Baden ayaa aad uga mahad celiyay sidda loogu soo dhaweeyay Muqdisho oo markii ugu horeesay  oo uu yimaado.

Wafdiga ka socday Switzerland  intii ay joogeen Muqdisho waxay la kulmeen qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan degmooyinka Muqdisho kuwaasoo soo dhaweeyay.

Halkan hoose ka daawo sawirrada oo dhammeestiran

2014530635370421776035030IMG_0948

2014530635370421918414400IMG_0964

2014530635370422717606990IMG_0966

2014530635370422398264614IMG_0971Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com