Maamulka SOMALILAND oo xog cusub ka soo saaray qaraxyadii HARGEYSA

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran Cadde ayaa shir jaraa’id oo maanta uu ku qabtay xafiisakiisa wuxuu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xarig loo geestay wasiir ku xigeenkii horre ee arrimaha gudaha iyo labo qarax oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada Hargeysa.

Wasiirka ayaa tilmaamay in qaraxyadaas ay salka ku hayaan muranada ka dhexeeya xisbiga talada haya ee Kulmiye  isla markaana ay ka dambeeyaan kooxo raba dalka in uu galo qas iyo jahwareer balse aanu ahayn qaraxyo argagixiso ah.

Wasiirku wuxuu sheegay oo kale in qaraxyada ay ahaayeen kuwa macmal ah oo gacan ku samees ah oo aanu khasaaro dhalin marka laga reebo in ay khalkhal galiyaan magaalada uun.

“Labada qarax waxay ahaayeen kuwa laga sameeyo Shaanida oo wax dhib ah ma aaney geesan, balse waanu ka xunahay in ay dhacaan” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka wuxuu kaloo ka hadlay xariga wasiir ku xigeenkiisii Cabdullaahi Abokor oo xaley isaga iyo 10 qof oo kale ay soo xireen ciidamada booliska, markii uu saxaafadda u sheegay hadalo khatar galin kara ammaanka Somaliland.

Wuxuu sheegay in tac shiirad ay ka dhacday intii uu socday howgalka lagu soo xiraayay wasiir ku-xigeenka oo mid ka mid ah ilaalada wasiirkii horre uu dhaawacmay, markii uu dagaal dhexmaray ciidamo ilaalo u ahaa iyo kuwa Somaliland.

Wuxuu sheegay in ka xun yahay xarriga wasiir ku xigeenkiisa balse aan loo dul qaadan karin uu saxaafadda u sheego hadallo halis galin kara ammaanka Somaliland.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in qaraxyada ka dhacay Hargeysa labadii habeen ee la soo dhaafay ay ahayeen kuwa salka ku haya khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jirra xisbiga Kulmiye.

Waxaa muuqata inuu jirro khilaaf xooggan oo ka dhex taagan xisbiga talada haye ee Kulmiye.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com