Muxuu Xasan Sheekh ka yiri khilaafka ka dhexeeya isaga & R/W Cabdi Weli?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxammuud ayaa markii ugu horreeyay ka hadlay khilaaf ka dhex jirra isaga iyo ra’iisal wasaaraha.

Madaxweynaha ayaa khilaafkan ku tilmaamay mid looga gun lee yahay in wax lagu dhiso ee uusan ahayn mid wax duminaayo.

“Marka shaqo lagu jirro laasim waaye khilaaf wuu imaanaa iyo madax xanuun, qofka fuundiga ah ee shaamitada qasaayo waxaa markasta ku soo dhacaya fanfaniin, marka yaa loo arkin mararka qaar khilaafka mid halis ah” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa shacabka ugu baaqay in aysan u dhaga raaricin wararka ay sheegayaan kooxaha doonaya in wax dumiyaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisa ay qabatay wax yaabo horrumar ah oo aaney dalka ka jirin labadii sanno ee la soo dhaafay isagoona intaas ku daray in ay jiraan wax yaabo la rabay in la qabto oo aan la qaban balse wuxuu ballan qaaday in la qaban doono.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay in ay jiraan kooxo dacaayado ka fidinaya dowladda oo aan rabin in dalka horrumar uu gaaro.

Si kastaba, hadalka madaxweynaha ayaa yimid ayadoo guuh siyaasadeed uu ka jirro magaalad a Muqdisho kaasoo salka ku haya khilaaf ka dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.

Khilaafka ayaa salka ku haya isbadal la rabo in lagu sameeyo golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com