Axmed Siilaanyo: Soomaaliyey tashada annagu waanu tashanay mar hore”

Hargeysa (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamuud Siilaanyo ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin dhiig in ay u daadiyaan siddii Somaliland ay u noqon lahayd dal ka madax banaan Soomaaliya.

Isagoo maanta dadweyne fara badan kula hadlayay Fagaaraha Xorriyadda ee magaalada Hargeysa halkaasoo si weyn looga xusay markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni isku taag oo ay ka soo wareegatay 23-sanno, ayuu sheegay in dadka reer Somaliland ay tashadeen sidda uu hadalka u yiri.

Wuxuu sheegay oo kale in madaxbanaanida Somaliland ay tahay biyo kama dhibcaan in mardambe aan la soo celin doonin midow dhex mara Koonfur iyo Waqooyi

“Dowladda iyo dadka aan madaxweynaha u ahay waa ay tashadeen ee ilaawa idinkuna duca qabayaal isku tashada,ee idiinma soo socdaan, aanna kal eed la’aano si gobeedna aan u wada noolaano” ayuu yiri Siilaanyo.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale ka digay in dib loo abuuro cadaawadii dhexmartay Koonfur iyo Waqooyi,isagoona intaas ku daray in dowladiisa ay diyaar u tahay in ay sii wado wadahadallada u dhexeeya dowladda fedaraalka iyo maamulkiisa.

Dhinaca kale, waxaa guud ahaan maanta si weyn looga xusayaa magaalooyinka Somaliland xuska 18-ka May oo ah markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, sidaas oo ay tahay haddana weli Somaliland ma helin ictiraaf rasmi ah in kastoo nabadgaloyo iyo maamul wanaag uu ka jiray deegannada uu maamulkaas ka arrimiyo 23-kii sanno ee colaada ka socotay Koonfurta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com