Sir ku saabsan arrin Madaxweynaha ku qanciyay Ethiopia iyo sababtii uu u booqan waayay Garowe.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa shalay booqday magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay, halkaasi oo uu kula kulmay saraakiisha dalka Ethiopia.

Sida la sheegay waxaa qorshuha ahaa in sidoo kale Madaxweynuhu booqdo Garowe iyo Beledweyn, taasi oo aan dhicin, inkasta oo la filayo inuu Beledweyn maanta booqdo, halka warar kalena ay sheegayaan inuu sidoo kale tagi doono Garowe..

Hase yeeshee Madaxweynaha ayaa diiday inuu Garowe kula kulmo saraakiisha Ethiopia  ayada sababaha uu  ku diiday Garowe, ay ugu wacneyd dhowr arriimood.

1- La taliyeyaashiisa oo u sheegay inay sumcad darro u keeni karto, maadaama dad badan ay Faroole u arkaan isbaaro hor taalla nabadda Somalia, sidaa darteedna uu saraakiisha Ethiopia u sheegay in kullanka laga dhigo Baydhaba.

2 – Inuu naftiisa ku aamini waayay maamulka Puntland, xilli ay jirto in isaga iyo Faroole xurguf ay dhex taallo, maadaama uu dhinac isaga riixay dalabkii Faroole ee ahaa inuu Ra’iisul Wasaaraha siiyo qof kasoo jeeda deegaanada Puntland.

Si kastaba waxaa weli socda dadaal ay saraakiisha Puntland kaga dhaadhicinayaan madaxweynaha iuu halkaas booqdo, blase la arki doonee, waxaana macquul ah inuu maanta booqdo Garowe.

Dhinaca kale socdaalkii madaxweynaha ee Baydhaba iyo saraakiisha Ethiopia ee uu halkaas kula kulmay, ayaan xog ku helnay inuu ku wargelinayay cidda uu ra’iisul wasaare u magacaabi doono.

Waxaan xog ku heynaa in beesha caalamka ay u sheegtay Madaxweynaha inuu Ethiopia ku wargeliyo arrintaas, maadaama ay saameyn weyn ku leedahay siyaasadda gobolka.

Ma jirto cid ay Ethiopia si gaar ah u dalbatay in ra’iisul wasaare laga dhigo, hase yeeshee waxa ay ka wel welsaneyd in lasoo magacaabo qof ayada ay dhib kala kulmi karto ayada oo si gaar ah u sheegtay inaysan dooneyn qof kasoo jeeda beesha Ogaadeen iyo qof raad ku leh kooxo diimeedyo.

Labadaas qodobba, waxaa la sheegay in madaxweynuhu ku qanciyay Ethiopia inuusan ku dhaqaaqi dooni, ayaduna ay aqbashay.