Nairobi (Caasimada Online) – Sirdoonka dalka Kenya ayaa shaaciyay in in ka badan 1,000 muwaadin oo Kenyan ah ay ku biireen ciidanka Ruushka.
Warbixin ay horgeeyeen Baarlamaanka Kenya, Sirdoonka Qaranka Kenya (NIS) iyo Agaasinka Baaritaanka Dambiyada (DCI) ayaa muujisay in dhalinyaradan ay ku biireen dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.
Warbixinta ayaa muujisay walaac xooggan oo ku saabsan sida dhalinyarada dalkaas looga qortay dagaalka dibadda. Baaritaanka hay’adaha amniga ayaa daaha ka qaaday in dhalinyaro badan lagu khiyaaneeyay qandaraasyo shaqo oo been abuur ah, kuwaas oo loo sheegay inay ka shaqeynayaan arrimo amni ama dhismo.
Inta badan dhalinyarada ayaa dalka uga bixi jiray fiisaha dalxiiska, iyagoo sii mari jiray magaalooyinka Istanbul iyo Abu Dhabi ka hor inta aysan u gudbin Ruushka.
Hay’adaha amniga ayaa sidoo kale sheegay in shabakado dad-dhexeeyayaal ah ay ku lug leeyihiin hawshan, kuwaas oo dhalinyarada ku qancinayay mushahar sare iyo fursado nololeed oo ka wanaagsan kuwa ay Kenya ka heli lahaayeen. Arrintan ayaa sare u qaaday walaaca la xiriira tahriibinta iyo ka faa’iideysiga dhalinyarada shaqo la’aanta ah.
Khasaaraha ilaa hadda la diiwaangeliyay ayaa ah 39 qof oo dhaawac ah, 28 qof oo la la’yahay, iyo 89 qof oo weli ku sugan furimaha dagaalka. Tirooyinka kale ee ka harsan 1,000-ka qof ayaa la rumeysan yahay inay ku kala sugan yihiin saldhigyo tababar ama goobo kale oo militari.
Dawladda Kenya ayaa si adag u cambaareysay arrintan, waxayna sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyin diblomaasiyadeed oo degdeg ah. Mas’uuliyiinta ayaa shaaciyay in bisha soo socota ay wafdi u diri doonaan magaalada Moscow si loo raadiyo xal iyo in dib loo soo celiyo muwaadiniinta ku go’doonsan dagaalka.
Si kastaba, Kenya waa mid ka mid ah dalalka muwaadiniintooda laga qoray dagaalka Ruushka. Dalal kale oo ku yaalla Afrika, Aasiya iyo Latin America ayaa sidoo kale la sheegay in dhalinyaro ka soo jeeda ay ku biireen ciidanka Ruushka, iyadoo qaarkood si toos ah loo qoray, halka kuwo kalena lagu qanciyay heshiisyo shaqo oo markii dambe isu beddelay hawl militari.
Warbaahinta caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa hore u sheegay in muwaadiniin ka kala yimid dalal ay ka mid yihiin Nepal, Hindiya, Cuba iyo qaar ka mid ah waddamada Afrika lagu arkay furimaha dagaalka.
Qaar ka mid ah dowladahaas ayaa ku baaqay in muwaadiniintooda dib loo soo celiyo, kadib markii ay soo baxeen cabashooyin la xiriira khiyaano, qasab iyo xaalado adag oo ay la kulmeen.
Arrintan ayaa dhalisay dood caalami ah oo ku saabsan sharciyadda iyo anshaxa qorista ajaanibta ee dagaallada, gaar ahaan marka loo adeegsado marin habaabin shaqo ama dhaqaale.
Qaramada Midoobay iyo ururro kale oo caalami ah ayaa ku baaqay in la xoojiyo la socodka iyo ka hortagga shabakadaha qorta dhalinyarta si ay uga qayb qaataan colaadaha ka socda dalal shisheeye.

