26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Sirdoonka Mareykanka: Nukliyeerka Iiraan lama gaarsiin waxyeello weyn

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Warbixin horudhac ah oo sir ah oo ay soo saareen sirdoonka Maraykanka ayaa sheegaysa in duqeymihii uu Maraykanku la beegsaday saddex xarumo nukliyeer oo Iiraan ku yaalla ay dib u dhigeen barnaamijka nukliyeerka ee dalkaas muddo dhowr bilood oo keliya ah, sida ay sheegeen saraakiil la socota natiijooyinka warbixinta.

Duqeymuhu waxay xireen afaafka hore ee laga galo laba ka mid ah xarumahaas, balse ma aysan dumin dhismayaashooda dhulka hoostiisa ku yaalla, sida ay saraakiishu sheegeen in natiijooyinka hore ay muujiyeen.

Weerarka ka hor, hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in haddii Iiraan ay isku daydo inay ku degdegto samaynta bam, ay ku qaadanayso muddo saddex bilood ah. Kadib duqeyntii Maraykanka iyo weerarro maalmo socday oo ay fuliyeen Ciidanka Cirka ee Israa’iil, warbixinta ay soo saartay Hay’adda Sirdoonka Difaaca (Defense Intelligence Agency) ayaa lagu qiyaasay in barnaamijkii dib u dhac ku yimid, balse uu ka yar yahay lix bilood.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in inta badan keydkii Iiraan ee yuraaniyamta la hodmiyay la raray ka hor duqeymaha, kuwaasoo burburiyey qayb yar oo ka mid ah maaddada nukliyeerka. Waxaa suuragal ah in Iiraan ay qayb ka mid ah keydkaas u rartay goobo qarsoodi ah.

Qaar ka mid ah saraakiisha Israa’iil ayaa sheegay inay sidoo kale aaminsan yihiin in dawladda Iiraan ay lahayd xarumo yaryar oo qarsoodi ah oo lagu bacrimiyo (yuraaniyamta) si ay u sii wadan karto barnaamijkeeda nukliyeerka haddii weerar lagu qaado xarumaha waaweyn.

Saraakiil kale ayaa xustay in warbixintu ay ogaatay in saddexda xarun nukliyeer—oo kala ah Fordo, Natanz iyo Isfahan—uu soo gaaray khasaare isugu jira mid dhexdhexaad ah iyo mid daran, iyadoo xarunta Natanz ay ahayd tan ugu waxyeellada badan. Ma cadda in Iiraaniyiintu ay isku deyi doonaan inay dib u dhisaan barnaamijyadan.

Saraakiil hore ayaa sheegay in haddii Iiraan ay isku daydo inay si degdeg ah u samayso bam, uu noqon doono mid yar oo aan casri ahayn. In la soo saaro madax yar oo nukliyeer ah ayaa noqon lahaa mid aad uga sii adag, lamana oga inta uu le’eg yahay khasaaraha gaaray cilmi-baaristaas casriga ah.

Saraakiisha hadda iyo kuwii hore ee milateriga ayaa ka digay weerarka ka hor in dadaal kasta oo lagu doonayo in lagu burburiyo xarunta Fordo, oo ku aasan in ka badan 250 fiit buur hoosteeda, ay u baahan doonto duqeymo is xigxiga oo dhanka cirka ah, kuwaasoo maalmo ama xitaa toddobaadyo lagu garaacayo isla goobihii.

Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa ugu yaraan laba jeer ku dhuftay isla goobihii maalintii Sabtida. Diyaaradaha nooca B-2 ayaa 12 bambo oo ah nooca GBU-57—oo inta badan loo yaqaan “kuwa burburiya dhufaysyada”—ku riday Fordo, waxaana hadda muuqda lix godad oo ka samaysmay meelihii laga galayay ee dhulka ku kor yaallay, sida uu sheegay Brian Carter, oo ah maamulaha qaybta Bariga Dhexe ee machadka American Enterprise Institute.

Laakiin khubaro badan oo ku takhasusay bambooyinka milateriga ayaa aaminsanaa in loo baahan doono duqeymo ka badan hal maalin si shaqada loo dhammeeyo.

Qiimeynta hordhaca ah ee khasaaraha ayaa muujineysa in sheegashadii Madaxweyne Trump ee ahayd in xarumaha nukliyeerka ee Iiraan “gebi ahaanba la burburiyey” ay ahayd mid la buunbuuniyey.

Aqalka Congress-ka ayaa loo qorsheeyay in warbixin laga siiyo duqeynta maalintii Talaadada, waxaana xildhibaannada laga filayay inay su’aalo ka weydiiyaan natiijooyinka, balse kulankaas waa la baajiyey. Senator-rada ayaa hadda la filayaa in warbixinta la siiyo maalinta Khamiista, halka koox Dimoqraadiyiin ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada ay soo saareen bayaan ay ku dalbanayaan in aqalkooda sidoo kale warbixin la siiyo.

Tan iyo markii ay duqeymuhu dhaceen, Mr. Trump ayaa si isdaba joog ah ugala cawday la-taliyeyaashiisa warbixinnada saxaafadda ee su’aal geliyey inta uu le’eg yahay khasaaraha la geystay, sida ay sheegeen dad la socda hadalladiisa. Waxa uu sidoo kale si dhow ula socday hadallada ay saraakiisha kale ka sheegaan warbaahinta marka wax laga weydiiyo khasaaraha gaaray xarumaha nukliyeerka, sida ay hadalka u dhigeen.

Bayaan uu soo saaray maalintii Talaadada, Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa ku celiyay qiimeyntii hore ee Mr. Trump.

“Marka la eego wax kasta oo aan aragnay—aniguna dhammaan waan arkay—ololaha duqeynteennu wuxuu tirtiray awooddii Iiraan ee ahayd inay abuurto hub nukliyeer ah,” ayuu yiri. “Bambooyinkeenna waaweyn waxay si sax ah ugu dhaceen goobtii loogu talagalay ee bartilmaameed kasta, si qumman ayeyna u shaqeeyeen.”

Saraakiisha ayaa ka digay in warbixintan sirta ah ee ka kooban shanta bog ay tahay oo keliya qiimeyn hordhac ah, ayna jiri doonaan kuwo kale oo soo bixi doona marka xog dheeri ah la soo ururiyo iyo marka Iiraan ay baarto saddexda xarun. Mid ka mid ah saraakiisha ayaa sheegay in warbixinnada la tusay dadka ka tirsan maamulka ay ahaayeen “kuwo is-khilaafsan” balse ay weli dhiman yihiin qiimeyno kale oo la samayn doono.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta Hay’adda Sirdoonka Difaaca waxay tilmaamaysaa in xarumahaasi aysan u waxyeelloobin sidii ay saraakiisha qaar ee maamulka rajaynayeen, iyo in Iiraan ay weli gacanta ku hayso ku dhowaad dhammaan maaddadeedii nukliyeerka, taasoo macnaheedu yahay haddii ay go’aansato inay samayso hub nukliyeer ah inay weli awood u yeelan karto inay si degdeg ah u samayso.

Saraakiisha waraysigan lala yeeshay waxay codsadeen inaan magacooda la sheegin sababtoo ah natiijooyinka warbixintu weli waa sir.

Aqalka Cad ayaa ka horyimid qiimeyntan. Karoline Leavitt, oo ah afhayeenka Aqalka Cad, ayaa sheegtay in natiijooyinka warbixintu ay yihiin “kuwo gebi ahaanba khaldan.”

“In la faafiyo warbixintan qiimeynta ah ee lagu andacoonayo waa isku day cad oo lagu doonayo in lagu wiiqo Madaxweyne Trump, laguna sumcad dilo duuliyeyaasha geesiyaasha ah ee fuliyay hawlgalka si qumman loo qabtay ee lagu baabi’inayay barnaamijka nukliyeerka Iiraan,” ayay ku tiri bayaankeeda.

“Qof walba wuu ogyahay waxa dhacaya marka aad 14 bambo oo miisaankoodu yahay 30,000 oo pound si qumman ugu riddo bartilmaameedyadooda: waa burbur dhamaystiran.”

Qaybo ka mid ah warbixintan sirdoonka waxaa hore u tabisay warbaahinta CNN.

Duqeymuhu waxay si weyn u waxyeeleeyeen nidaamka korantada ee xarunta Fordo, sida ay saraakiishu sheegeen. Ma cadda inta ay ku qaadan doonto Iiraan inay gasho dhismayaasha dhulka hoostiisa, dayactirto nidaamka korantada, ayna dib u rakibto qalabkii meesha laga raray.

Shaki kuma jiro in ololaha duqeynta uu “si aad iyo aad u xun” u waxyeeleeyay saddexda xarun, ayuu yiri Mr. Carter.

Laakiin qiimeynta hordhaca ah ee khasaaraha ee Israa’iil ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay waxtarka duqeymaha. Saraakiisha difaaca Israa’iil ayaa sheegay inay sidoo kale soo ururiyeen caddeymo muujinaya in xarumihii dhulka hoostiisa ku yaallay ee Fordo aan la burburin.

Duqeynta ka hor, milateriga Maraykanku wuxuu siiyay saraakiisha dhowr suurtagal oo ku saabsan inta uu weerarku dib u dhigi karo barnaamijka Iiraan. Qiyaastaas waxay u dhaxeysay dhowr bilood oo ah heerka ugu hooseeya ilaa sannado oo ah heerka ugu sarreeya.

Qaar ka mid ah saraakiisha ayaa ka digay in qiyaasaha noocan oo kale ah aysan ahayn kuwo sax ah, aysana suurtagal ahayn in la ogaado sida saxda ah inta ay Iiraan ku qaadanayso inay dib u dhisato, haddii ay doorato inay sidaas samayso.

In kasta oo ay jiraan sheegashooyin ah in xarumaha la baabi’iyay oo ka yimid Mr. Trump iyo Mr. Hegseth, Janaraal Dan Caine, Taliyaha Guud ee Taliyeyaasha Isku-dhafka ah ee Ciidamada, ayaa ka taxaddaray qaabka uu u sifeeyay saameynta weerarka.

“Hawlgalkan waxaa loogu talagalay in si weyn loogu wiiqo kaabayaasha hubka nukliyeerka ee Iiraan,” ayuu Janaraal Caine ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay Axaddii.

Qiimeynta ugu dambeysa ee khasaaraha dagaalka ee hawlgalkii milateri ee ka dhanka ahaa Iiraan, ayuu Janaraal Caine sheegay Axaddii, isagoo garab taagan Mr. Hegseth, inay weli soo socoto. Wuxuu sheegay in qiimeynta hordhaca ah ay muujisay in saddexda xarunba ay soo gaartay “waxyeello iyo burbur daran.”

Janaraal Caine wuxuu intaa ku daray inay “aad u horayso” in la qiimeeyo inta ka hartay barnaamijka nukliyeerka Iiraan.

Janaraal Joseph L. Votel, oo hore u ahaa taliyaha Taliska Dhexe (Central Command), ayaa sheegay wareysi uu bixiyay, inuu “kalsooni weyn ku qabo nidaamyada hubka ee la isticmaalay.” Laakiin wuxuu intaa ku daray: “Lama yaabani in qaybo ka mid ah ay badbaadeen. Taasi waa sababta loo sameeyo qiimeynta khasaaraha dagaalka, maxaa yeelay wax walba way u dhici karaan sidii loo qorsheeyay laakiin waxaa weli jira arrimo kale.”

Dhageysi ka dhacay Golaha Senate-ka maalintii Talaadada, Dimoqraadiyiintu waxay sidoo kale muujiyeen taxaddar dheeraad ah.

“Weli waxaan sugaynaa qiimeynta kama dambaysta ah ee khasaaraha dagaalka,” ayuu yiri Senator Jack Reed oo laga soo doorto Rhode Island, ahna ninka ugu sarreeya Dimoqraadiyiinta ee Guddiga Adeegga Ciidamada Qalabka Sida.

Saraakiisha milateriga ayaa sheegay in si khasaare la taaban karo loogu geysto xarumaha dhulka hoostiisa, ay tahay in lagu dhufto duqeymo isdaba joog ah. Laakiin Mr. Trump wuxuu ku dhawaaqay inuu joojin doono duqeymaha ka dib markii uu ansixiyay wejigii hore.

Hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa ku soo gabagabeeyay duqeymaha ka hor in Iiraan aysan gaarin go’aanka ah inay samayso hub nukliyeer ah, laakiin ay haysato yuraaniyam la hodmiyay oo ku filan oo haddii ay go’aansato inay samayso bam, ay si degdeg ah ku samayn karto.

In kasta oo saraakiisha sirdoonku ay saadaaliyeen in duqeyn Maraykanku la beegsado Fordo ama xarumo kale oo nukliyeer ah ay ku dhiirigelin karto Iiraan inay samayso bam, saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay inaysan weli ogeyn haddii Iiraan ay sidaas samayn doonto.

Wakiillada Hay’adda Sirdoonka Difaaca kama aysan jawaabin codsiyo faahfaahin ah oo loo diray.

- Advertisement -

Read more

Local News