29.9 C
Mogadishu
Tuesday, November 4, 2025

Sisi iyo Afwerki oo qaatay go’aan Soomaaliya la xiriira iyo laba qodob oo xasaasi ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi, iyo dhiggiisa Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa maalintii Khamiista carabka ku adkeeyay baahida loo qabo isuduwid xooggan oo dhex mara dalalkooda iyo waddamada kale ee xuduudda la leh si loo xaqiijiyo amniga Badda Cas, oo ah marrin muhiim ah oo caalami ah.

Kulan ka dhacay Qaahira, ayuu Sisi hoosta kaga xariiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga si looga hortago wax kasta oo carqaladeynaya socodka maraakiibta iyo in la adkeeyo amniga iyo xasilloonida gobolkan muhiimka ah, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday madaxtooyada.

Wadahadallada ayaa sidoo kale looga hadlay colaadaha Sudan iyo Soomaaliya. Labada hoggaamiye waxay xaqiijiyeen aragtidooda guud ee ku aaddan sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Sudan, iyagoo ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in la taageero hay’adaha dowliga ah ee qaranka, oo ay ugu horreeyaan Ciidamada Qalabka Sida ee Sudan, isla markaana ay diidan yihiin isku day kasta oo lagu abuurayo hay’ado barbar socda.

Sisi wuxuu iftiimiyay dadaallada Masar ee ka dhex jira “habka afargeesoodka” si loo joojiyo dagaalka loona khafiifiyo dhibaatada bini’aadantinimo ee haysta shacabka Sudan.

Dhanka Soomaaliya, madaxweynayaashu waxay ku nuuxnuuxsadeen sida ay uga go’an tahay war-murtiyeed wadajir ah oo saddex-geesood ah oo ka soo baxay shirkii madaxda Masar, Eritrea, iyo Soomaaliya ee lagu qabtay Asmara bishii Oktoobar 2024.

War-murtiyeedkaas ayaa lagu adkeeyay baahida loo qabo in la dhowro mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan madaxbannaanida, gooni-isu-taagga, iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo dhammaan dalalka gobolka.

Afwerki ayaa Qaahira u jooga si uu uga qaybgalo furitaanka Matxafka Weyn ee Masar. Sisi ayaa soo dhoweeyay booqashadiisa, wuxuuna ammaanay “xiriirka istaraatiijiga ah ee adag” ee ka dhexeeya labada dal, isagoo xaqiijiyay sida ay Masar uga go’an tahay horumarinta iskaashiga labada geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Dhankiisa, Afwerki wuxuu muujiyay sida weyn ee uu u qaddarinayo doorka Masar ee ku aaddan adkeynta xasilloonida iyo horumarinta dadaallada horumarineed ee Geeska Afrika iyo Bariga Afrika. Wuxuu soo dhoweeyay ballaarinta iskaashiga dhaqaalaha iyo isuduwidda laba geesoodka ah ee ku saabsan arrimaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka ee danaha guud ah.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, iyo dhiggiisa Eritrea, Osman Saleh Mohammed.

Masar iyo Eritrea ayaa waxaa xiisad xooggan ay kala dhaxeysaa Itoobiya. Qaahira iyo Addis-Ababa ayaa isku haya biyo-xireenka Itoobiya ee webiga Nile, halka Asmara ay diidan tahay isku dayada ay Itoobiya ku dooneyso in ay ku hesho dekadda Assab ee Eritrea.

- Advertisement -

Read more

Local News