Siyaasada dagaal beeleed ee ka dambeysa ciidanka loo diiday mushaharka

Muqdisho (Caasimada Online) – Gadoodka la xiriira mushahar la’aanta ee ay sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee labada Shabeelle, ayaa lugaha la gashay arrimo siyaasadeed oo hoggaanka sare ee dowladda ay ka dambeeyaan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Dad badan ayaa is weydinaya sababta Illaa iyo hadda ciidamada ka cabanaya mushahar la’aanta dowladda ay yihiin kaliya ciidamada ku sugan Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, oo ciidamada kale ee gobollada kale ee dalka ama xitaa kuwa Muqdisho aysan dhibkan u qaban.

Sababta ayaa ah, hoggaanka kooxda Nabad iyo Nolol ayaa waxaa u qorsheysan inay kala diraan ciidamada fadhigoodu yahay Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose oo u badan beelaha dega magaalada Muqdisho, taasoo ay ugu wacan tahay inay u arkaan halis muuqata iyo inaan la xukumi karin.

Ciidamadan inay ku tuhmeen qabiilo gaara, ka sokow waxay halis ku yihiin qorshaha dib u doorashada kooxda Nabad iyo Nolol oo dhowr jeer sanadihii 2017 iyo 2018 lagu cabsi geliyey ciidamadan si beelnimo ah u taageeraya ama u difaacaya siyaasiyiin ay isku beel yihiin oo loolan kula jiray Madaxweyne Farmaajo.

Saraakiisha sare iyo kuwa dhexe ee hoggaamisa guutooyinka degan labada gobol ee Shabeellooyinka waa kuwo aan daacad u hayn madaxda hadda jirta ama lagu tuhunsan yahay inay muddo jeer xilalka iska heysteen ciidamada ay hoggaamiyaanna ay iyagu leeyihiin, taasoo xilligan loo arkay kan ugu haboon ee meesha looga saari karo.

Qalalaasaha ka taagan ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Shabeellooyinka waa mid aan ka marneyn siyaasad iyo rabitaan dano gaara oo la isku hayo, waxaana qorshahan oo ah mid culus oo u muuqan kara dagaal qabiilo gaara lagu hayo, ka gaabsaday madaxweyne Farmaajo, iyadoo la soo hor mariyey Ra’iisal wasaare Kheyre oo beel ahaan loo xijinayo ciidamadan.

Waxaa sidoo kale, caddeyn kale ay noqotay markii maanta uu madaxweyne Farmaajo, ciidamada gadooday ee Shabeellaha dhexe u diray Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka warfaafinta Daahir Geelle iyo Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Jen. Odawaa Raage, oo saddexduba ah Abgaal, inkasta oo ciidanka loo diray ay yihiin ciidan qaran.

Dib u habeynta ciidamada ee la siyaasadeeyay iyo talisyada iyo ciidmadooda ku qaan gaaray khaladaadka soo jireenka ah, ayna adag tahay in loo bedelo ciidamo sax ah, waxay qolo waliba ka dhigeen mid xaq ku taagan, waxaana xalinta qalalaasahan uu noqon doonaa mid ku xiran mustaqbalka siyaasadeed ee kooxda Farmaajo 2021.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com