Ciidamada gadooday oo 4 qodob usoo bandhigay wafdigii ay dowlada dirtay

Balcad (Caasimada Online) – Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada xooga ee tagay degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa kahadlay waxyaabaha qasbay inay kasoo baxaan saldhigyada ay ku lahaayeen Shabeelaha Dhexe.

Saraakiisha oo warbaahinta kula hadlay degmada Balcad ayaa sheegay in gadoodkooda uu ka dambeeyay kadib markii warbaahinta ay ka maqleen in dowladda Soomaaliya ay si sax ay u bixisay dhamaan mushaaraadka ciidamada dowladda.

Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada hogaamineyso ayaa degmada Balcad kula kulmay wafdi ka socdo dowladda Soomaaliya kuwaasi oo gaaray gelinkii dambe ee maanta.

Afar arin ayay u bandhigeen waftiga gaaray degmada Balcad waxayna sheegeen inay kasoo baxeen saldhigyada ay ku sugnaayeen ee ku yaala Shabeelaha Dhexe, kadib markii ay waayeen lacagihii ay xaqa u lahaayeen.

Sidoo kale ciidamada ayaa sheegay inaysan helin raashiinka ay xaqa u lahaayeen afartii bil ee laso dhaafay, waxaana qodobada ay soo bandhigeen saraakiisha ciidamada hogaaminaya kamid ah:-

1- Mushaar, raashin iyo Iidaan ayaa naga maaan 4 bil, walina ma dhicin In raashin ay waayaaan ciidanka.
2- Daryeel xumo iyo dalacsiin la’aan muddo sanado ah
3- Waa bixinay mushaar oo dowladdii ay leedahay
4- Markaan ka hadalno Waxaa nala leeyahay siyaasad ayaa idinka soo ureysa.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya ciidamo dhawaan kasoo baxay saldhiga deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo iyagana sheegay inaysan helin mushaaraadkoodii.

Caasimada Online
Xafiiska Balcad
Caasimada@live.com