Video: DF oo ‘baaritaan ku haysa siyaasiyiin ciidanka ka saaraya saldhigyadooda’

Muqdisho (Caasimada Online) –Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa si adag kaga hadlay bixitaanka ciidamada dowladda maalmihii ugu dambeeyay ka baxayeen saldhigyadooda.

Wasiir Maareeye ayaa ugu horeyn sheegay in ciidamada ay yihiin kuwo qaata mushaaraadka ay xaqa u leeyihiin, islamarkaana aysan jirin ciidan sharciyeysan oo aan mushaar qaadan

Wuxuu sidoo kale sheegay inay jiraan siyaasiyiin dhaqaalo ku bixinaya ciidamada dowladda inay ka baxaan saldhiyada ay ku sugan yihiin, islamarkaana ay socdaan baaritaano adag oo arintaasi la xiriirta.

Wasiirka Ganacsiga ayaa cadeeyay in xiligii dowladii Xasan Sheikh marar badan loo diiday inay diiwaan geliyaan ciidamada qaranka, balse hadda xukuumadda Soomaaliya ay arintaasi dhabarka saaratay, sida uu hadalka u dhigay.

“Maanta Dowladda NABAD iyo NOLOL Dib dambe uma laabaneyso, baaris xoog leh ayaa ku socota dadka dowlad dumiska ah ee ka dambeeya in ciidamada kasoo baxaan farumaha dagaalka”.ayuu yiri wasiir Maareeye.

Wasiirka ganacsiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad ka dhacday Muqdisho oo looga hadlayay waxqabadka wasaaradda Maaliyadda.

Hadalkiisa ayaa kusoo aaday iyadoo labadii maalin ee lasoo dhaafay ciidamada meletariga ay isaga baxeen deegaano ka tirsan labada Shabeelle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com