Siyaasadda danaysiga ku dhisan ee Qatar ee Somalia waxaa fashilkeeda caddeyn u ah qodobadan (Warbixin)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta booqasho ugu baxay dalka Qatar, halkaasi oo madaxda dalkaas uu kala hadli doono xiriirka labada dal iyo sidii dowladda dalkaas ay u caawin lahayd dowladda Soomaaliya.

Qatar ayaa ah saaxiibka koowaad iyo dowladda taageerada ugu muhiimsan siisa dowladda Soomaaliya. Hase yeeshee taageerada Qatar ee Soomaaliya waa mid u baahan in la is-weydiiyo.

Qatar ma waxay caawineysaa shacabka Soomaaliyeed iyo hurumarka dalka, mise waxay caawineysaa madaxda dowladda Soomaaliya, ayada oo ku fushaneysa dano siyaasadeed oo kaliya.

Marka aad eegto, waxaa cad in Qatar aysan marnaba u muuqan mid garab taagan shacabka iyo horumarka Soomaaliya, balse ay garab siineyso shaqsiyaad xukunka ku fadhiya, ayada oo dano ku fushaneysa.

Dowladda Qatar oo cadaadis xooggan kala kulantay waddamada jaarka la ah, ayaa Soomaaliya u sameysay ballan-qaadyo badan, hase yeeshee illaa hadda kama aysan dhabeyn marka laga reebo lacagta kaashka ah ee ku dhacda jeebka madaxda dalka.

Dhammaan mashaariicda Qatar ee Soomaaliya waa kuwa ku kooban afka kaliya, ama marka ay ugu wanaagsan tahay ku eg dhagax-dhigis aanay dhismooyin xigin.

Waxaa in la is-weydiiyo mudan haddii Qatar ay dooneyso horumarka Soomaaliya, maxaysan sidan Turkiga oo kale u sameyn taageero ku dhisan horumarinta shacabka.

1 – Maxaan loo arag dowladda Qatar oo waxbarasho bilaash ah ama mixnado jaamacadeed siineysa ardayda Soomaaliya, sida Turkiga oo kale.

2 – Maxaan loo arag, Qatar oo isbitaallo ka dhiseysa Soomaaliya, ama adeegyo caafimaad u fulinaysa dadka dhibaateysan ee Soomaalida ah, sida Turkiga oo kale.

3 – Maxaan loo arag Qatar oo tababar dalkeeda ugu qaadeysa, ama gudaha dalka ku siineysa ciidamada Soomaaliya, ama xitaa bixineysa mushaharaadkooda, sida Turkiga oo kale.

4 – Maxaan loo arag Iskuulo waxabarsho oo Qatar ay dhisto ama ay maal-geliso oo ku yaalla gudaha dalka Soomaaliya, sida Turkiga oo kale.

Waa tan sababta Turkiga loo arko dad ay daacad ka tahay taageeridda Soomaaliya, balse Qatar iyo Imaaraadka u yihiin daneystayaal saaxiib la ah siyaasiyiin ay dantooda ku fushadaan, oo aan waxba u hayn shacabka Soomaaliya.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid