Siyaasi Mohamed Yuusuf oo digniin kasoo saaray waddada loo maray dhismaha baarlamanka HirShabelle

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan siyaasiyiinta, cuqaasha iyo masโ€™uuliyiin kasoo jeeda Hirshabelle ayaa ka horyimid qaabka loo soo xulay xubnaha xildhibaanada maamulkaas.

Siyaasiga Mohamed Yusuf Ahmed oo kamid ah xubnaha u tartamaya kuraasta aqalka hoose eeย  dowladda Federaalka ayaa si cad uga horyimid in habeenย  la isaga dhawaaqo xubnaha barlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabelle oo uu ku tilmaamay masโ€™uuliyad darro iyo wax aan la aqbali karinoo shaqsiyaad masaalixdooda looga danleeyajay.

โ€Waxaa aragnaa in dad aan Hirshabelle u daneyneyn ay habeen ay iska qorteen istaafkoodii iyo shaqaalahoodii,โ€ ayuu yiri siyaasiga Mohamed Yusuf oo intaana ku daray in wixii ka halaabaย  Hirshabelle ay qaadi doonaan masโ€™uuliyaddeeda odoyaasha dhaqanka ee loo adeegsaday.

Wuxuu ka digay khatarta in la burburiyo maamulkaas oo ay tahay in odoyaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta Hirshabelle ay u istaagaan sidii loo badbaadin lahaa, loogana hortagi lahaa qaswadayaasha danaha siyaasadeed un ku fushanaya isqabsiga beelaha dega maamulkaas.

- Advertisement -

Read more

Local News