Muqdisho (Caasimada Online) Saiyaasiga Sakariye Xaaji Maxamuud oo xilal ka soo qabtay dowladihii kumeel gaarka iyo ururkii ARS ee lagu unkay magaalada Asmara ee dalka Eretira ayaa ka hadlay arrimo badan oo siyaasadda maanta.
Isagoo la hadlaayay Idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in dhaqan fiican uusan ahayn markasta in ay is qabtaan madaxweynaha iyo raysal wasaaraha.
Wuxuu sheegay in madaxda dalka looga baahan yahay siddii uga fikiri lahaayeen shacabka ka soo daalay colaada iyo siyaasad xumuda dalka ka soo jirtay 23-kii sanno ee la soo dhaafay.
Sakariya oo ka hadlay khilaafka soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo raysal xilka ka degaya wuxuu ku tilmaamay siyaasad xumo.
Ugu dambeyn Sakariye Xaaji Maxamuud, ayaa madaxda dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay shaqadooda ugu badan ay galiyaan wax u qabadka dadka iyo dalka.
Sakari Xaaji Maxamuud ayaa soo nooqday wasiirka warfaafintii dowladii Cabdiqaasim Salaad Xasan sannadkii 2000, dabadeed wuxuu noqday guddoomiyaha ku-xigeenka Isbahaysiga Dib u Xoreynta Garabkii Xasan Daahir Aweys ee joogay Asmara.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho