Siyaasiyiin ‘aan damiir lahayn oo durba loolan ugu jira’ xilka Yariisow

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin iyo dad xil-doon ah ayaa durba billaabay inay u loolamaan xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir, oo dhaawaciisa lagu daweynayo magaalada Doha ee Caasimadd dalka Qatar.

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee Caasimadda ayaa sheegay inay jiraan siyaasiyiin reer Muqdisho ah oo doonaya in lagu bedalo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Injineer C/raxamaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Odayaashani ayaa tilmaamay in arrintan ay tahay dadnimo xumo ah, islamarkaana siyaasiyiintaasi aysan matalin shacabka gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in siyaasiyiintaasi xil doonka ah oo la xiriiray madaxweyne Farmaajo, ay yihiin kuwo aan damiir laheyn, islamarkaana ay iska qaban doonaan.

“Waxaa jira siyaasiyiin naga mid ah oo Madaxweynaha ula rooraya warqado oo xilka Injineer Yariisow ka jarinaya dowladda, Madaxweyne  ha ku ajarmin, Ra’iisul wasaare haku ajarmin nimankaas damiir maleh.” ayaa yiri mid ka mid ah Odayaasha.

Sidoo kale isaga oo sii hadlayey ayaa wuxuu intaasi raaciyey “Nin nool lama dhexlo.”

Guddoomiye Yariisow oo ku dhaawacmay weerarkii 24-tankii bishan ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa haatan lagu dabiibayaa gudaha dalka Qatar, waxaana xaaladdiisa caafimaad ay haatan ah tahay mid soo hagaageyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com