Siyaasiyiin iyo xildhibaano ka fal-celiyey GO’AANKII uu maanta qaatay R/W Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin iyo xildhibaano ayaa ka falceliyey go’aankii maanta uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu Imaaraadka Carabta si rasmi ah ugu cudur-daartay tallaabadii ay ciidamada NISA ay Garoonka Aadan Cadde kula wareegeen lacag ku dhaw 10 Milyan oo doollar, bishii April 2018.

Aadam Aw Xirsi oo xilal kala duwan federaalka iyo Jubaland-ba ka soo qabtay oo siyaasiyiinta arrinta ka fal-celiyey ka mid ahaa, ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray:

“In uu Ra’iisul Wasaare Rooble Dawladda Imaaraatka uga cudur-daarto dhacdadii 2018 ay ciidanka amniga ee Garoonka Aadan Cadde dawladda Imaaraatka uga qabsadeen $9M oo ku jirtay kolay diblumaasi ah waa tallaabo, markii iskeed loo eego, horay loo qaaday,” ayuu yiri Aw-Xirsi

“Soomaaliya ma tahli karto in ay shaqaaqooyin  laga  maarmi karo had iyo jeer kula jirto derisyadeeda iyo dalal ay suuraggal tahay in ay horumarka iska kaashadaan.”

Sidoo kale, wasiirkii hore amniga ee maamulka Galmudug, xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo xildhibaan Mahad Salaad soo dhaweeyay tallaabadii uu maanta qaaday Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Waxay Ra’iisul Wasaaraha uga mahadnaqeen in uu dib u sixid ku sameeyey qaladaadkii uu madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kooxdiisu sameeyeen sanadihii tagay iyo inuu ka saaro Soomaaliya go’doonka diblumaasiyadeed ee la galiyey.

Fiqi ayaa ugu horeyntii dowladda Imaaraadka Carabta uga mahadnaqay in xiligaan adag ay u soo gurmato dadka Soomaaliyeed, isaga oo madaxweynihii hore Farmaajo ku eedeyay in uu xiriirka dowladaas u xumeeyay danihiisa gaarka ah.

“Farmaajo dalka wuxuu ka dhigtay 5tii sano ee la soo dhaafay NGO rabitaabkiisa ku shaqeeya oo kale, asagoo awooddii dawladnimada u adeegsaday danihiisa gaarka ah. Dawladaha saaxiibada la ahaa Soomaaliya way badnaayeen markii Farmaajo talada dalku uu qabtay, maantay qof walba waa og-yahay dhowrka dawladood ee ku soo haray Soomaaliya,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray in dalalka Eritrea, Qatar iyo Ethiopia oo madaxweynihii hore uu saaxiib dhow ka dhigtay aysan wax gargaar ka hayn shacabka Soomaaliyeed ee abaaraha la ildaran, oo aan ka ahayn kaalmaynta kaligitaliska.

“Raysulwasaare Rooble waa ku mahadsan yahay in uu dib u sixid ku sameeyey qaladaadkii ay Farmaajo iyo kooxdiisu sameeyeen sanadihii tagay iyo inuu ka saaro Soomaaliya go’doonka diplimaasiyadeed ee la galiyey!.”

Mahad Salaad ayaa asaguna dhankiisa madaxweynihii hore Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisi ay kala tageen ee Kheyre ku eedeyay inay xumeeyeen xiriirkii Soomaaliya la laheyd dalalka Masar, Sacuudiga, Imaaraadka, Jabuuti iyo Kenya.

“Xiriirkii ay kharribeen afartii sano ee la soo dhaafay waa ku mahadsanyahay Ra’iisul Wasaare Rooble in uu dib u saxo,” ayuu ugu dambeyntiina ku yiri qoraalkiisa Mahad Salaad.

Xukuumadda Rooble ayaa xiligan waxaa ka go’an xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah, oo xiriirkooda uu xuma sanadihii u dambeeyay, oo sida la fahamsan yahay uu horseed u ahaa madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii